Urur-weynaha Shaqaalaha Soomaaliya oo Ka Qeybgalaya Shir Caalami ah

198

Shirweyne looga hadlayo arrimaha shaqaalaha, ayna ka qaybgalayaan 25 dowladood oo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa ka furmay dalka Turkiga.
Shirkan oo Isniintii bilowday ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Shaqaalaha Turkiga waxaana lagu casuumay 25 Dowladood oo goobjoog ka ah shirkan waxaana xoogga lagu saari doonana doorka ay ku leeyihiin Dalalkooda iyo wax soo saarka dhaqaale.
Gudoomiyaha Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliya Xasan Xaaji oo ka hadlay shirka Maanta ka furmay Turkiga ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay qabaan Shaqaalaha Soomaaliya iyo sida ay muhiim u tahay in lahelo fursado sahqa abuur. Xasan Xaaji ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shirkan ay kaga faa iidaysandoonaan sidii fursado shaqo ugu abuuri lahaa Dadka Soomaaliyeed