Shuban biyood 69 qof ku dilay gobalka Baay

277

Shuban

ugu yaraan 69 ruux ayaa lagu soo waramayaa inay geeriyoodeen kuwaasi oo ay ku jiraan carruur,  Haween iyo dad da’a ah ka dib markii uu gobalka Bay  ka dilaacay xanuunka Shubun biyoodka.

Dadkan ayaa dhintay seddexdii maalmood ee aynu soo dhaafnay.

Gudoomiyaha Maamulka  Degmada Baydhabo Cabdullaahi Watiin ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shubanka uu si ba’an uga jiro deegaanada hoos taga magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Goobaha uu si kuluul uga jiro shubankan ayaa waxaa la sheegay inay ka mid yihiin Goofgaduud Buurey, Awdiinle iyp deegaano kale.

Dad faro badan uu soo ritay Shubanka ayaa la dhigay goobaha Caafimaad ee magaalada Baydhabo

Shubankan ayaa loo aanaynayaa inuu sabab u yahay kulaylaha iyo jiilaalka xiligan ka jira dalka iyo biyaha Nadiifka ah oo yeraaday.

Hay’adaha Gar-gaarka ayaa waxaa loogu baaqay inay ka qayb galaan gurmudka deg dega ah ee lagu taageerayo dadka uu soo ridanayo shuban biyoodka.

Aadan Cali Ibraahim oo ku sugan deegaan lagu magacaabo Shibeelow oo qiyaastii 40 Kiilomiitir u jira Magaalada Baydhabo oo qadka telfoonka kula hadlay maanta oo  Sabti ah Xaqiiqa Times ayaa waxaa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay shuban biyoodka uu soo kordhay.

Maalin walba waxaan aasnaa ugu yeraan 3 ama 4 qof ilahay hana dul qaado dhibkan ayuu u sheegay Aadan Cali Ibraahim Xaqiiqa Times.