Maanta oo Sabti ah xildhibaanada Labada Gole ee Dowladda Federaalka waxaa khudbado ka horjeedin doona 8 Musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Musharax kasta oo khubadiisa jeedinaya ayaa waxa uu xaq u heli doonaa 30-daqiiqo, si la mid ah Musharaxiintii horey u jeedisay khudbadaha.
Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa waxa ay sheegeen maanta oo Sabti ah in ay khudbado jeedin doonaan ilaa 8 Musharax, kuwaas oo kala ah:-
- C/naasir Cabdulle Maxamed
- C/raxmaan C/shakuur Warsame
- C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
- C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
- C/laahi Cali Xasan
- C/laahi Ciilmooge Xirsi
- C/qaadir Cosoble Cali
- Cali Xaaji Warsame.Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay dhici doontaa Arbacada soo socota xilligaas oo ay Taariikhda ku beegan tahay 8-da Febraayo, sida ay horey u shaaciyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha.