Warbixin ay soo saartay Hay’ada Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay dalka Britain, ee Oxfam international, ayaa lagu sheegay in siddeeda ruux ee ugu qanisan caalamka in ay haystaan dhaqaale la mid ah kala bar dadka caalamka ku nool oo idil.
Siddeeda ruux ee ay sheegtay Oxfam, inay ugu qanisan yihiin caalamka ayaa waxaa ay haystaan marka la isku daro lacag gaareysa £349.8billion ($421.75bn) iyadoo hantidaasna ay haystaan marka la isku daro dadka ugu saboolsan caalamka oo tiradoodu ay gaareyso 3.6billion.
“Dhaqaalaha oo ku urura dadka taajiriinta ah waa tan ugu muhiimsan ee dib u dhigaysa in la soo afjaro dagaalka lagula jiro saboolnimada.”ayaa lagu sheegay warbixintan.
Qofka ugu sareya liiska dadka ugu qanisan caalamka ayaa waxaa ku jira Bill Gates.
Halkan hoose ka akhriso magacyada 8 ruux ee dunida ugu lacagta badan.
Bill Gates, milkiilaha Microsoft
Amancio Ortega, aas-aasaha shirkadda la yirahdo fashion house Inditex
Warren Buffett, financier
Carlos Slim Helu, Maalqabaynka iska leh Mexican business magnate
Jeff Bezos, madaxa shirkadda Amazon
Mark Zuckerberg, milkiilaha ahna aas-aasaha Facebook
Larry Ellison, aas-aasaha Oracle
Michael Bloomberg, duqii hore ee Magaalada New York.
Halkana ka akhriso lacagaha ay kala haystaan.