Sidee Magaalada Ugu Wada Noolaannaa?

Bulshada Soomaaliyeed asalkoodu waa dad reer guuraa ah iyo beeraleey ah, balse 60-kii sano ee ugu dambeeyay waxa ay u soo hayaantay oo si isdabo-joog ah ay ugu soo qulqushay magaalada, siiba magaalooyinka waaweyn ee dalka sida Muqdisho, Hargeysa, Bosaaso, Gaalgacyo, Kismaayo, Baydhabo, Berbera, Boorame, Marka IWM.

Shakhsi walba ujeeddo iyo arrin gaar ah ayuu ku soo degel bedeshay, laakiin inkastoo kala dan la ahaa, haddana danahaas xiriir baa ka dhaxeeyay ah in shaqo ama waxbarasho loo imaanayay magaalada iyo isla markaas in noloshii hore ee miyiga (baaddiyaha iyo beeraha) lagu bedesho nolol ka doorbidan oo magaalada laga helo. Xiriirkii bulshada ka dhaxeeyay (magaalada) wuxuu noqday shaqo, wax kala iibsi iyo wax wada qabsi, halka miyiga xiriirka keliya ee dadka isku xiraa uu ahaa qabiil; oo shakhsiga miyiga ku nool waxa uu lahaa labo xiriir oo dhanka bulshada ah oo kala ahaa 1) Tol (reerkuu ka dhashay) iyo 2) Xidid (reerkuu ka guursaday).

Kala duwanaanshada miyiga iyo magaalada

Xiriirro cusub (social relations) oo aan tol iyo xidid midna ku salaysnayn ayaa magaalada ka abuurmay; waxa yimid Saaxiib. Saaxiib aad isku xisbi tihiin (diin ama siyaasad), saaxiib aad ganacsi wada leedihiin iwm. Haddii markii hore xoolo ama beerta wixii ka soo go’a ay hantidu ahayd, hadda (magaalada) hantida uu qofku yeelan karo waxaa saldhig u ah xooggiisa iyo maankiisa. Lacag ayaa wax walba lagu qiimaynayaa. Shaqooyin ka duwan howlahii miyiga kana badan ayaa magaalada yaalla. Waxaa kaloo ay magaaladu kaga duwan tahay miyiga; qofku dadka ma wada yaqaan, oo ay macnaheedu tahay miyiga ama beeraha markii la joogay waxaa suurtagal ahayd in uu shakhsigu wada yaqaannay dadka uu markaas meel la deggen yahay (dadku wuu is wada yaqaanay). Kan wax salaamayaa qofkuu salaamayo wuu garanayay, kan wax xukumaya kan uu xukumayo wuu yaqaannay, kan wax iibinaya kuu wax ka iibinayo wuu yaqaannay iwm., laakiin magaalada siiba sida magaalooyinku u kala waaweyn yihiin waxaa suurtagal ah, in aad dhowr saacad socoto oo aadan la kulmin ruux aad taqaanno amaba dadkaas tirada badan ee dacallada kaa dhaafaya aadan qofna ka salaamin, iyaguna aysan ku salaamin. Sababtoo ah magaalada (weyn) suuragal kama aha in dadka ilbiriqsiyada isku dhaaf-dhaafayaa ay is wada salaamaan oo uu ruuxu qof kasta salaamo. Haddii ay dhacdo in uu qofku sidaas sameeyo (si joogta ah), wuu waalanayaa oo xiskiisa ayuu waayayaa, si uusan u waalan waa in uusan salaamin dadka oo uu iska dacal maraa. Sidaas daraadeed ayay isa-salaamid la’aanta ama salaanta yar ee magaalada ka jirta ay ka dhigan tahay is-difaacid uu qofku maskixiyan isu difaacayo si uusan dhimirkiisa u waayin (Georg Simmel 1903). Haddaan sidan loo fahmin magaalada iyo isbeddellada ay shakhsiga ku qasbayso (inagu wada qasbayso) ee isugu jira dhimir (maskixiyan), dhaqan (social) dhaqaale (economic) iyo siyaasad (political), waxaa dhacaysa in is eedeyn iyo is jiid-jiid wakhtigu inagaga lumo oo aan ka gaabinno in aan xal rasmi ah u helno nolosha magaalada iyo waliba mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, sababtoo ah waxaa xal la heli karaa marka si dhab ah oo xaqiiq ah mushkiladda loo ogyahay.

Mushkiladaha dhanka siyaasadda bulshadeenna ka haysta, waxaan isleeyahay waxaa ugu waaweyn saddex arrimood oo dhamaantood hoos imaanaya su’aasha kore ee ah sideen magaalo ugu wada noolaannaa? Saddexda qodob waa sidan:

1. Nidaamka halka qabiil uu dhib iyo dheef qaybsanayo sideen uga tagnaa oon ku helnaa nidaam qabiillo kala duwan oo Soomaali ah ay dhib iyo dheef ku qaybsadaan? Sideen uga tagnaa caymiska qabiilka oon ugu gudubnaa caymis Qaran? Nolosha shakhsiga Soomaaliga ah guud ahaanteed, Allaah SW ka sokow, waxa ay ku tiirsan tahay qabiil. Haddaba, doodda dhextaal bulshada ee waliba si cod dheer beryahan dambe loo soo bandhigay waxa ay odhanaysaa; halaga tago Qabiilka iyo Qabyaaladda, iyadoo aan hoggaamiyayaasha, wax-garadka iyo beelaha kala duwan ee bulshada weli soo bandhigin wixii qofka booska qabiilka u geli lahaa ee uu ku beddelan lahaa. Beeshu haddii aysan ka tegin nidaamka caymiska ee qabiilka iyo nasabka ku salaysan, oo aysan beeluhu iyagu heshiis bulsho iyo caymis ah wada gelin, iima muuqato waddo uu shakhsigu uga tegi karo ama la dhihi karo ha uga tago! Qodob arrintan la xiriira oo aan aad uga maqlo siyaasiyiinta waa ‘dib-u-heshiisiin’. Qodobkan qaabka looga hadlo marka la eego waxaa inta badan xoogga la saaraa in ay muhiim tahay in ay bulshadu isla fahamto kana heshiiso wixii hore u dhacay, laakiin ujeeddada iyo hadafka aan leennahay ma in inta la is-fahmo, la heshiiyo (laga heshiiyo wixii dhacay) kaddibna reer kasta uu meeshiisii ku laabto miyaa? Mise in aan maanta halka aan joogno hore uga sii socono, oo aan wax ku heshiinno, si aan berri u wada noolaanno, isuna kaashano?

2. Sidee nidaamka xiriirka shaqo-bixiyaha iyo qofka shaqaalaha ah uga dhigi karnaa mid la mid ah kuwa caalamka intiisa badan ka jira?Sida aan ka soo sheekaynay, waxyaalaha ay magaaladu uga duwan tahay miyiga waa shaqada; shaqadu (nadaafadda ilaa iyo shaqada waddanka ugu sarreysa ee kursiga Madaxweynaha), sida ay iila muuqato, waa meelihii laf-dhabarka u ahaa ee uu ka yimid burburkii ku dhacay Soomaaliyadii 1960-kii dhisantay. Nolosha magaaladu waxa ay suurtagelisay, in labo qof oo noloshii miyiga (baaddiyaha iyo beeraha) ku sinnaa (labo reer oo kala duwanna ka dhashay) oo aan xiriir shaqo ka dhaxaynin, in ay kala sarreeyaan oo midna shaqo-bixiye noqdo, midna shaqaale noqdo. Shaqadu waa heshiis; shaqo-bixiyaha ayaa shaqada abuuraya, amarkana bixinaya hadday tahay waqtiga, goobta, mushaarka IWM. Halka qofka shaqaalaha ah uu isagu amarka qaato oo heshiiska uu la gelayo shaqo-bixiyahiisa haddii uu ku qanco qodobbada heshiiska xiriirkan waa mid aan marna suurtagelinayn in ay labadaan qof sinnaadaan dhanka shaqada. Haddaba waxaan odhan karaa bulshada Soomaaliyeed wali si buuxda uma aqbalin xiriirkan shaqo-bixiyaha iyo shaqaalaha anigoo raadraacaya 1) in qofka Soomaaliga ah uu mar walba doorbidayo in hadduu shaqaale yahayna uu u shaqeeyo qof ay nasab ahaan meel ka soo wada jeedaan, hadduu sidoo kale shaqo-bixiye yahayna uu shaqada siiyo ruux aad ugu dhaw oo uu hubo in uu amar ka qaadanayo kalsoonina ka heli karo, iyo 2) in bulshada Soomaaliyeed in badan oo ka torsan ay jecel yihiin in ay ganacsadaan, iyadoo qofku shaqo-bixiye isagu isu yahay oo uusan ruuxna amar ka qaadanayn. Aqbalid la’aanta aan wali si buuxda loo aqbalin arrintan waxa ay sababtay in dhamaanteen aan rabno in aan sarreyno oo aan noqonno qofka amarka bixinaya, haddii ay taas inoo suurtageli waydana aan meel iska fariisanno oo la inagu biilo ama hantida aan haysanno aan gadno oo aan ku gaarno nolol qaxootinnimo oo dunida dacaladeeda ah. Su’aasha cajiibka ah oo arrintan la xiriirta waxa weeye bulshada Soomaaliyeed si buuxda ayay u aqbashay arrintan marka ay waddanka dibaddiisa joogto, ee maxay sidaas oo kale u yeeli la’dahay waddanka gudahiisa?

3. Sidee baan u helnaa nidaam aan sirta ku xafidno; Sirta ururka sidee u xafidnaa oo aysan bannaanka ugu bixin? Sirta shakhsigana sidee u xafidnaa oo aysan bannaanka ugu bixin? Sirtu, nooc kastoo ay tahay, bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda way ka sahlan tahay sida loo helo ama ay bannaanka ugu soo baxdo, hab-dhaqankaasna kama mid aha dhaqan-magaaleedka. Sirta oo la xafido waa tiirarka ugu culus oo ay nolol magaalo ku jiri karto oo lagu wada noolaan karo.

Waxaan isleeyahay, haddii ay bulshada Soomaaliyeed ka jawaab bixiso si rasmi ah saddexdaas qodob, waxa ay ummadda Soomaaliyeed xal ka gaartay sidii ay ku suuroobi lahayd in hal magaalo (magaalo kasta oo waddanka ah) ay kuwada noolaato iyadoo wax wada qaybsanaysa, waxna wada qabsanaysa!

W.Q: Samsam Cilmi Shabeel