Siminaar ku saabsan maaraynta garsoorka oo lagu qabtay Muqdishu

212

Judiciary_Maritime_seminar_19-503x420Siminaar ku saabsan maaraynta garsoorka ee arrimaha badaha oo u soo qaban qabiyay

Hawlgalka EUCAP Somalia aya waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdishu 26.da iyo 27.da ee
Bisha Agoosto.

29 qaaliyaal Soomaali ah, oo ay ka midyahiin Madaxda Maxkamadaha ayaa ka qayb galay
munaasabadda oo lagu qabtay Maxkamadda Sare ee Muqdishu.

Siminaarkaan ula jeedadiisu ahayd hormarinta awoodaha iyo xirfadda qaaliyasha Soomaaliyeed,
maxkamadaha, xeer ilaaliyasha ayaa waxaa diiradda lagu saaray sare u qaadista qaab
dhismeedyada, madax banaanida, kormeerka iyo maaraynta nidaamka garsoorka.

Qaaliga ugu sareeya Maxkamadda Gobalka Banaadir iyo Ku xigeenka Madaxa Hawlgalka EUCAP
Somalia Keith Murray ayaa Wadajir u furay siminaarka 26.da Agoosto.
Mawducyada uu sharaxay Lataliyaha Sharciga ee EUCAP Somalia, kaasi oo hogaaminayay
siminarka waxaa ka mid ahaa:

Maaraynta qulqulka shaqada maxkamadaha, aaladaha
ilaktarooniga ah, madaxbanaanida iyo eex la’anta, fikradaha sharciga ee xurka ah, sharciyada
caalamiga ah, maaraynta xirfadaha, takhasuska qaaliyasha iyo shaqaalaha hoos yimaada ee ku
aadan sharciga badaha, casharo heer sare ah ee ku saabsan hormarinta garsoorka si waafaqsan
heerka caalamiga ah iyo waxyaabaha aas aaska ah ee maaraynta dakhliga garsoorka.

EUCAP Somalia waa Hawlgal rayid ah ee Midowga Yurub, wuxuna hoos yimadaa Xafiiska Siyaasada
Difaaca iyo Amniga Guud, wuxuna Hawlgalku ka caawiyaa Soomaaliya xoojinta awoodaheeda si loo
xaqiijiyo ammaanka badaha.

 

EUCAP Somalia
Press and Public Information Office
EU Capacity Building Mission in Somalia (EUCAP Somalia)
International Campus, Mogadishu International Airport,
Mogadishu, Somalia
Somalia’s mobile +252 612046204
Kenya’s mobile: +254 727106645
Email: Francesca.Marretta@eucap-som.eu
Web: www.eucap-som.eu
Facebook: https://www.facebook.com/eucapsom