SIYAASIYIIN TAAGEEREEN BAAQII QAARKA MID AH XUBNAHA BAARLAMANKA AY KU CODSANAYEEN IS CASILAADA MADAXWEYNE XASAN

361

bvnSiyaasiyiin xilal kasoo qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa taageero weyn umuujiyay baaqii kasoo yeeray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadanaa inuu iscasilo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xuseen Awliyo oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee dalka ku sugan, ayaa muujiyay taageero weyn oo ku aadan in Hogaamiyaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud xilka laga qaado oo lagu bedelo shaqsi howlkar oo dalka xaaladiisa wax ka qaban kara.

Mr Awliyo, wuxuu sheegay in lama huraan ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dareemaan isbedel ku aadan dhanka Hogaanka, maadaama Dowladda Soomaaliya iminka jirta aysan wax badan ka qaban arimaha loo igmaday.

Tallaabada xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay uga dalbadeen Madaxweynaha Soomaaliya inuu xilka baneeyo ayuu ku tilmaamay mid wanaagsan oo lagu ammaanayo Xildhibaanada, maadaama ay gudanayaan Waajibaadkooda qaran.

Dhanka kale Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar Jajab, Maxamed Cali Axmed ayaa Idaacada Kulmiye usheegay inay muhiim tahay in dalka uusan dib unoqonin, oo la doonay in horumarka dalka laga shaqeeyo.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar Jajab, ayaa sheegay in Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay gudanayaan waajibaadkooda uuna ku taageerayo fekerka ah in isbedel dalka uu ka dhaco.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kacsan Madaxweynaha dalka Soomaaliya, inkastoo siyaasada hadba weji ay leedahay oo xubnahaasi ay suuragal tahay qaarkood in laga tanaasulsiiyo fekerka ay qabaan.

www.xaqiiqa.com