Socdaalka Keating ee Boosaaso oo war laga soo saaray

206

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarunta madaxtoyada ee magaalada Boosaaso waxa uu kulan kula qaatay ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimha Soomaliya, Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminayo.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Maamulka Puntland ku weheliyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Dhedo iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Maamulka Puntland.

Madaxweynaha iyo ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaliya iyo xaaladda colaadeed ee ka aloosan magalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulanku markuu soo dhamaaday ayaa Madaxweynaha Puntland iyo ergayga Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya waxay madaxtooyada ku qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen wax yaalihii kulankooda kasoo baxay.

“Aniga iyo Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaan aad uga wada hadalnay arrimaha la xariira doorashada Soomaaliya iyo sidii loo dhamays tiri lahaa, wuuna maamulka Puntland ku bogaadiyay inay bilowday doorashadii xildhibaanada aqalka hoose, sidoo kalena in la muujiyo qoondada dumarka ee xubnaha aqalka hoose waana ku raja weynahay in xuquuqda ay dumarku leeyihiin la ilaaliyo ” ayuu yiiri Madaxweynaha Maamulka Puntland, Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in ergayga ay ka wada hadleen arrimo kale oo ku salaysan sidii loo xoojin lahaa xiriirka Qaramada Midoobay iyo Maamulka Puntland iyo in la soo afjaro xaaladda colaadeed ee ka aloosan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

“Waxaan aad isula soo qaadnay dhibaatada ka soo cusboonaatay magaalda Gaalkacayo, waa arrin xanuun badan, waa arin cid kasta ay tahay inay ka damqato, loona baahan yahay in xal waara loo helo Gaalkacayo iyo mudug, waxaanu intaan wada joognay khadka telfoonka kula xariirnay Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaana isla qaadanay in la sameeyo xabad joojin kabacdina madaxdu ay isugu yimaadaan maalinta jimcaha magaalada Gaalkacayo”. Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa intaa raciyay ” Waxaa khadka soo galay taliyaasha ciidamada iyagana amar ayaan ku siinay in xabad joojin la sameeyo , waxaan rajaynayaa in xabad joojintaasi ay hir gasho, waxaana rajaynayaa Gaalkacayo dhibaatadeedu inay dhamaato iyo in dadka Gaalkacayo ay nabad ku noolaadaan”.
Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa dhankiisa sheegay sida uu ula dhacsan yahay qoondadii doorashada haweenka aqalka sare ee Maamulka Puntland ay buuxisay intii laga rabay, islamar ahaantaana ugu hambalyeeyey Puntland inay hormuud u noqotay doorashooyinka aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee ka bilaabmay Puntland.

Dhinaca kale, wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa ku nuux nuuxsaday ahmiyadda ay leedahay nabaddu iyo sida loogu baahan yahay in magaalada Gaalkacayo oo deris la noqotay dagaalo soo laalaabtay in lagu soo dabalo nabad, isla markaana sheegay in si wada jir ah ay isula qaateen xabad joojin tan iyo inta laga gaarayo maalinta jimcaha oo la isugu iman doono magaalada Gaalkacayo si looga wada hadlo xallinta khifaadka soo noq noqday.

“Waxaan khadka telfoonka ku wada hadalnay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya, Madaxweynaha Mamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Puntland iyo Maamulka Galmudug waxaana la isla qaatay in la dhaqan geliyo xabad joojin ka bilaabanta maanta” ayuu yiri Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku sugnaan doona maalmaha fooda inagu soo haya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
img_3204
img_3205
img_3214
img_3218
img_3219
img_3222
img_3225
img_3245
img_3263
img_3285
–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Maamulka Puntlad.