Soomaali lasoo masaafuriyay oo dib loo celiyay

267

Garoonka-Adan-CaddeUgu yaraan lix muwaadin oo Soomaali ah oo ay dawladda Norway kasoo masaafurisay waddankeeda ayaa dib loogu celiyay isla diyaaraddii ka keentay waddankaasi kaddib markii laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida la sheegayo dadkaasi ayaa badankood muddo dheer ka dhex shaqeysanayay magaalooyinka waaweyn ee waddankaasi Norway.

Madaxa laanta socdaalka iyo jinsiyaddaha dawladda dhexe ee Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in sababaha ay dib ugu celiyeen lixdaasi qof ay tahay in markii hore si qasab ah looga soo tarxiilay Norway, iyaga oo aan raali ka ahayn qorshahaasi.

Soomaalida magangelyo doonka ah ayaa dhibaatooyin kala kulma dalalka caalamka ee ay qaxootiga ku yihiin iyo sidoo kale helida sharciyada la siiyo soo galootida.