Soomaali loo maxkamaddeynayo fal argagixiso

161

Mohamed-Osman-MohamudSida ay shaacisay wakaaladda wararka ee AP wiil Soomaali ah oo haysta jinsiyadda wadankaasi Maraykanka ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in xukun lagu riddo, kaasoo afar sanno ka hor gacanta lagu dhigay, xilli lagu tuhmayey qorshe ahaa in uu qarax ka geysto gudaha magaalada Portland ee gobolka Oregon.

FBI-da ayaa ka codsatay garyaqaanka dawladda dhexe ee waddankaasi in eedeysane Maxamed Cusmaan Maxamuud lagu riddo xukun ah 40 sanno oo xarig ah maadaama bay yiraahdeen uu damacsanaa in uu galaafto nolosha kummanaan dad masiixi ah oo dhiganayay xaflad.

Dhinaca kale, inkastoo dacwaddaasi horey dib loogu dhigay, haddana qareennada difaacaya eedeysanaha ayaa imminka ka dalbanaya maxkamadda in xariga Maxamed Cusmaan lagu soo koobo muddo 10 sanno ah kaddib markii uu raali gelin ka bixiyay isku daygaasi.