Soomaalida oo isha ku haya maxkamaddeynta Uhuru Kenyatta

179

 status+conference Caasimada Nairobi ee Kenya, oo ka mid ah dalalka ay Soomaalidu ku qaxday ayaa waxaa ay Soomalida aad u hadal hayaan Maxkamadeynta

  Madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyata, oo maanta oo Arabaca ah ka soo muuqanaya maxkamadda dambiyada caalamiga ee The Hauge.

  Soomaalida ayaa waxa ay ka mid tahay bulshooyinka dalka Kenya ku dhaqan ee cododkooda siiyey doorashadi labada kun saddex iyo tobanka 

  madaxweyne Uhuru Kenyata, waxa ayna haatan ka mid yihiin taageerayaasha Madaxweyne Uhuru ee diidan madxkamadeyntiisa,iyaga oo  sheegaya

   in   uusan danbiila dagaal ahayn.

 Dhinaca kale, waxaa jiro tiro kale oo Soomaali ah oo usoo dhaweeyey Maxkamadeynta Uhuru Kenyata, iyaga oo carabka ku adkeeyey in uu galay    dambiyada   lagu   eedeeyey  ee haatan loo heesto, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay guud ahaan in cadaalada la hor keeno madxaxweyne kasta

                                                                                                     oo Afrikaan ah kaas oo shacabkiisa danbi ka gala.

          Madaxweyne Uhuru Kenyata, ayaa taageerayaal aad u fara badan waxa ay ku soo dhaweeyeen subaxnimadii Arbacada xarunta Maxkamada Dambiyada Dagaalka ee dalka Holland,

          halkaas oo uu u tagey     dhageysiga eedeemaha loo soo heesto ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Qaar ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha, ayaa waxa ay soo xirteen funaanado iyo shukumaano lagu xardhay midabka calanka Kenya, taas oo ay kusoo dhaweynayeen

          kuna salaamayeen madaxweyne Uhuru Kenyata.

Waxaa sidoo kale, ku wehlinaya madaxweynaha safarkiisa The Hague ee maxkamada dambiyada dagaalka xaaskiisa Margaret, gabadhiisa Ngina iyo Mudanyaal baarlamaan

        oo kor u dhaafaya sodon si ay ugu muujiyan madaxweynaha in ay la duubanyihiin.

        Si kastaba ha ahaate, Uhuru Kenyata, ayaa inta uusan ka ambabixin dalka waxa uu ku wareejiyey xilkii madaxweyne ku xigeenkiisi William Ruto, si uu xilka uhayo inta uu wajahayo

        eedeymaha loo heesto ee la xariira xuquuqda aadanaha, waxa uuna dhageysan doonaa iskana difaacayaa eedeemaha maxkamadda isaga oo ah shaqsi Kenyan ah.
www.xaqiiqa.com