Soomaaliland oo sheegtay inay xiriirka u jartay dalka Qadar: Daawo

312

Flag_of_Somaliland.svg

Maamulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliland ayaa maanta waxaa ay sheegeen inay xiriirka u jareen dalka Qadar.

Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Qadar iyo dowladaha Khaliijka ayaa ah mid wali sii xumaanaya maalinba maalinta ka dambaysa.

Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Imaaraadka iyo Masar ayaa Qadar kusoo rogay cunoqabatayn Dhul, Cir, Bad iyo mid Dhaqaalo .

Dowladaha Mauritania, Mauritius iyo Senegal ayaa ayaguna talaabadaasi raacay ayagoo u yeeray diblumaasiyiintooda Ku sugan dalka Qadar, ayadoo dowladaha Jordan iyo Djibouti ay sheegeen inay qiimaynayaan xalaadda haatan taagan waxaana diiday dowladda Eriterea in Qadar xiriirka ay u jarto.

Hoos ka akhriso warka kasoo baxay maamulka Soomaaliland

Go’aan Ka Soo Baxay Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida Gobolka, kana soo horjeeda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo deganaanshaha, isla markaana ka soo horjeeda xag­jirnimada iyo cid kasta oo taageerta xagjirnimada.

Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Wadamada Khaliijka, waxa ay Golaha Wasiirradu maanta oo taariikhdu tahay 10/06/2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn,kaasi oo uu guddoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

1 in Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.

  1. Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.
  1. Jamhuuriyadda Somaliland way u madax­bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.

https://youtu.be/G-J29Q3nFL4