Dawladdu kama gorgortameyso boobka baddeeda

278

Dawladdu kama

Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay si waadaxa kaga xog waramay muranka ku saabsan dhinaca badda marka ay timaado kala xadeynta dhul biyeedka lagu muran sanyahay ee ay wadaagaan wadamadda Soomaaliya iyo Kenya.

“Soomaaliya waligeed gorgortan kama geli doonto dhul boob baddeed.” Sidaasi waxaa yiri wasiir Beyle xilli uu warbaahinta la hadlayay.

Mr. Beyle ayaa sidoo kale ku niyad dejiyay shacabka in ay ku kalsoonaadaan dawladda marka laga hadlayo arrimaha la xariira muranka badda iyo turxaan bixinta madmadowga diplomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya muddooyinkaani dambe.

Cabdiraxmaan Ducaale wuxuu sheegay in mas’uuliyad gaar ah ay xukuumaddooda iska saareyso markasta xal u helida badda Soomaaliya oo muddo soo jiitamayay.

Dhanka kale wasiirka oo ka qeyb galay kulan madaxeedka hoggaamiyeyaasha Afrika iyo Mareykanka oo sanadkaan uu marti geliyay madaxweyne Obama ayaa sheegay in uu si weyn usoo hagaagayo xirriirka Soomaaliya ay la leedahay wadamadda kale, gaar ahaan kuwa deriska iyo caalamka intiisa kale.