HRW iyo AMISOM oo ku muransan kufsi haween

263

Barakaca-shacabka

Afhayeenka ciidamadda nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad, ayaa si caro leh u beeniyay maanta warbixinta hey’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ay kasoo saartay tacaddiyada galmo ee ciidamaddoodu u geysteen haween barakacayaal ah oo ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Col. Xumad, ayaa ku tilmaamay waxa ay ka hadlayso Human Rights Watch inay yihiin maad iyo wax aan jirin oo la sheegayo, maadaama buu yiri aysan hey’addu kala tashan saraakiisha AMISOM eedaymaha ciidamaddooda loo haysto ka hor intaan la soo bandhiggin warbixintaasi.

Hadalka Xumad ayaa kusoo beegmaya xilli Human Rights Watch ay si rasmi ah u shaacisay warbixin cinwaan looga dhigay ‘xoogga ay raggaan nagu haystaan waa si xun uga faa’iidaysi galmo iyo tacaddi’ kaddib markii ay wareysiyo la yeelatay hey’addu 21 dumar ah oo ay ku jiraan gabdho aad u da’ yar, kuwaasoo askar kasoo jeeda dalalka Uganda iyo Burundi oo ka tirsan ciidamadda AMISOM ee jooga Soomaaliya ay u geysteen dhibaatooyin ay ka mid ahaayeen jirdil iyo tacaddiyo dhinaca galmada ah.

Hey’adda ayaa ku eedeysay taliska AMISOM ee Soomaaliya inay dhiiri geliyeen hab-dhaqan aan marnaba loo dulqaadan doonin marka ay timaado dhawrista xuquuqul isnaanka waxayna ku talisay in saraakiishu ay la socdaan arrimaha shari darrada ah ee ay ku kacayaan askartooda ku sugan saldhigyada Muqdisho mararka qaarkoodna adeegsanaya rag Soomaali ah oo dumarka si xeeladaysan ugu keena, iyaga oo marka hore dumarka u ballanqaada in kaalmo loo fidinayo − balse kula kaca galmo dumarka iyo gabdhaha aadka u nugul ee u soo raadsaday biyo, cunno iyo dawo.

Warbixintaasi ayaa ku salaysan cilmi baaris lagu sameeyay gudaha magaalooyinka Muqdisho, Kampala iyo Bujumbura muddo ka badan sannad waxaana ku jira wareysiyo lala yeeshay dad kala duwan oo qaarkood ah dhibanayaal la kufsaday 2013-kii.

Ugu danbeyntii Human Rights Watch ayaa ugu baaqdey madaxda Midowga Afrika iyo AMISOM inay sameeyaan baaritaan deg deg ah oo wax looga qabanayo falalkaasi si loo ciqaabo gaboodfalayaasha loona xaqiijiyo in dhibanayaasha la taageero.