Soomaaliya iyo Jarmalka oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Qaxootiga

298

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Xafiiska Horumarinta Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta ka wada hadlay arrimaha qaxootiga Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska hay’adda GIZ ayaa lagu sheegay in madaxa horumarinta hay’adda Ms Julia Krinbeg iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Odowaa ay ka wada hadlay arrimaha qaxootiga, gaar ahaan kuwa diyaarka u ah in ay soo laabtaan si iskood ah sidii loo caawin lahaa.

Jarmalka ayaa xilligan waxa uu ku bixinayaa arrimaha soo laaabshada qaxootiga lacag dhan 5 millian oo Euro si loogu taageero dadka xilligan diyaarka u ah in ay si iskood ah ugu soo laabtaan gudaha.

Waxaa kaloo lacagtan lagu taageeraya barakcayaasha gudaha sida lagu sheegay qoraalkan ka soo baxay xafiiska horumarinta ee safaaradda Jarmalka.