SOOMAALIYA: Mid Kamid Ah Dalalka Ugu Liita ee Lagu Naafoobo

Cabdinuur Maxamed Axmed

Muqdisho (XT): Maxamed Cali Faarax waa nin dhalinyara ah oo u dooda xuquuqda naafada Soomaaliyeed. Waa nin firfircoon, waxbartay, shaqeysta, Aabe afar carruur ah, kuna jira sanadkii u dambeeyay ee waxbarashada Jaamacadeed isaga oo ku diyaarinaya maamulka guud. Sidaas oo ay tahay, haddana mararka qaar dadbaa u fahma marka uu usoo dhawaado in uu gacan u hoorsanayo. Kuwa ayaa jeebka gacanta la gaara si ay sunuud yar ugu caawiyaan.

19115_1603673999844704_300233041235728221_nSababta ugu weyn ee mar walba loogu maleeyo inuu dawarsanayo ayaa ah in uu yahay nin naafo ah. “Walaal kunkan shilin hoo oo halkan ka noqo gudaha laguuma ogolee” ayaa lagu yiraahdaa marka uu istaago albaabada qaar kamid ah meheradaha ganacsiga ee Muqdisho ku yaalla. Waa sababta keentay in uu u istaago u doodidda xuquuda naafada. Haatan Maxamed waxa uu aasaase iyo maamuleba ka yahay dallad u doodda xuquuqda dadka naafada ah oo marka magaceeda lasoo gaabiyo afka qalaad lagu dhaho Soden.

Si uu takoorka lagu hayo isaga dadka naafada ah ee Soomaaliyeed, inkasta oo aan tiro koob rasmi ah laga heynin  balse lagu qiyaaso 15-20%, ayuu dabaqaayadii 2007 bilaabay olole uu ku kaalmeynayo dadka sidiisa oo kale xubnaha naafo ka ah balse haddii la garab galo ka waxtar badan malaayiin Soomaali ah oo quluubta  ka naafeeysan, waxba aan qabsan karin iyaga oo Alle S.w.t uu u dhameystiray xubnahooda.

Waxa uu u doodaa in dadka naafada ah ay helaan xuquuq siman, in dowladdu sameyso xeerar lagu garab qabanayo dadka naafada ah sida in qoondo laga siiyo ka qeybgalka shaqooyinka dowladda, in kaalmo lala garab istaago dadka ku naafoobay colaadaha iyo cudurrada iyo olole uu todobaadkan  bilaabay oo uu ku doonayo in dadkaasi ay helaan meelo ay ku socdaan, marinno ay ka galaan huteellada, Wasaaradaha, dukaamada, masaajidyada iyo musqulaha dadweynaha.

Mar aan waydiiyay waxa uu dareemo in uu yahay qof naafo ah, haddana Soomaali ah ayuu iigu soo koobay ereyadan xanuunka badan “Waxaa ii muuqata cadaalad darro lagu hayo dadka naafada ah. Shaqooyinka lama tartami karno dadka aan naafada ahayn. Ma jiro shuruuc anaga na garab qabanaya. Naafo ayaad tahay macnaheedu ma aha waxba ma qaban kartid. Wax weyn ayaan qaban karnaa. Sidaa daraadeed waa inaan helno xuquuqaha aasaasiga ah ee aan leenahay oo ay kamid tahay in naloo sameeyo meelo noo gaar ah oo aan wadooyinka ka marno, qoondo gaar ah oo shaqooyinka ah iyo in dowladda iyo shirkadaha gaarka ahba ay u istaagaan kaalmeynta dadka naafada ah ee iyaga oo shaqo u hayo ku waxyeelloobay.”

Waxa uu iisheegay in naafada lafteedu ay qeyb ka tahay dib u dhaca heysta. Sababtoo ah ma dareensana awoodda Alle siiyay ee ay wax ku qabsan karaan. Waxa uu igu kordhiyay in qiyaastii wax ka yar 1% oo ah dadka naafada ah in ay wax bartaan. Taasi waxa ay keeneysaa in uusan qofka yeelanin xirfad iyo karti uu ku shaqeysto.

Inkastoo dadka naafada ah kaliya aysan masuuliyaddaasi saarneyn, hadana waxaa dib u dhacaas ka qeyb qaata qoysaska ay ka dhasheen oo iyaga laftooda u arka in qofka naafada ah uusan nacfi reerka kusoo kordhin karin, sidaa darteedna lagu dadaalo kuwa xubnahooda u dhameystiranyihiin, lana hilmaamo kuwa laga yaabo in ay ka nacfi badnaan karaan midka lagu dadaalayo.4

Maxamed Cali ayaa maalmahan dardargelinaya olole uu ku doonayo in dadka naafada ay si fudud uga daneysan karaa meelaha guud sida huteellada, maqaaxiyaha, dukaamada, shirkadaha iyo masaajidyada meelo kursiga ama gaariga naafada uu ka geli karo loo sameeyo.

Ololihiisa ayaa haatan si xowli ah uga socda baraha bulshada, oo ah meesha kaliya ee uu si bilaash ah dadka ula wadaagi karo, maadaama aysan warbaahinta dhag jalaq u siinin waxyaabaha uu doonaayo in uu dadweynaha usii marsiiyo. Waxa uu kusoo qoray bartiisa gaarka ah halladan oo runtii qof walba oo damiir leh damqin kara “Naafanimada ma ahan wax dad gaar ah ay leeyihiin. Waad noqon kartaa sida horeyba u dhacday Allah kuguma keenee. waxaana kugu sababi karo shil, xabad ama cudur. Sidaa darteed ku dadaal inaad walaalahaaga naafada ah u sameysid meelo ay galaan dhismayaasha.”

Ugu dambeyntii Dallada Soden waxa ay baaq u dirisaysaa Wasaaradaha ku shaqada leh arrimaha naafada sida tan Arrimaha bulshada iyo midda Xuquuqda Aadanaha & Arrimaha qoyska oo aan haba yaraatee, sida uu ii cadeeyay, aan sheegasho mooyee waxba u qaban dadka naafada ah.

“Waxaan ka codsanayaa wasaaradaha sheegta in ay dadkan u shaqeeyaan ee hadana aan waxba u qaban in ay shaqada aan hadda heyno ee naafada xuquuqdooda aan ku raadinayo ay iyagaa laga rabaaye nala gartaan oo wixii ay ka fududeyn karaan ay sameeyaan. Waxaan ujeedinayaa labada wasaaradood in ay fududeeyaan sameynta shuruucda la xiriirta dadka naafacada ah. Waa in dadka naafada ah ay helaan qoondo marka wax la shaqaaleysiinaayo, ha ahaadaano shirkadaha gaarka ah iyo hay’adaha dowladda.”

Soomaaliya waxa ay kamid tahay wadamada ugu xun ee uu qof naafa ah ku noolaado, waana dal ay fududahay in naafo lagu noqdo maadaama ay ka jiraan meelo badan oo kamid ah colaado iyo caafimaad xumo. Waxaa haboon in masuuliyad guud iyo mid gaar ahba la iska saaro sidii naafada looga qeybgelin lahaa bulshada si looga faa’iideysto iyagana uga faa’iideystaan.

Faahfaahinta ururkan u dooda xuquuqda naafada waxaad ka heli kartaa; www.somalidisability.org