Soomaaliya: nolosha ama geerida Godane?

263

Axmed-Cabdi-GodaneWasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Bare ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in dhawaan ay soo bandhiggayaan warbixin heer gebaggebo ah mareysa oo ku saabsan xaqiijinta nolol ama geeri hoggaamiyaha ururka Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan ‘Abuu Zubeyr’ oo sidoo kale loogu yeero Axmed Cabdi Aw Maxamed ‘Godane’, kaasoo sida la sheegayo ay diyaaradaha duuliye la’aanta Maraykanka ee Drones-ka ku weerareen gawaari uu la socday duleedka magaalada Baraawe.

Cabdullaahi Goodax oo la hadlayay warbaahinta ay dawladdu maammusho ayaa sheegay in wax ka yar 24 saac ay war rasmi ah kasoo saari doonaan xaqiiqooyinka ku xeeran nolosha ama geerida hoggaamiyaha xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiir Goodax wuxuu carabka ku dhuftay in ka dawlad ahaan ay kaalin weyn ku la haayeen duqeynta lala beegsaday hoggaanka Shabaab, dadaal badana ku bixiyeen helitaanka macluumaadkii lagu fuliyay hawlgalkaasi.

Hadalka Goodax ayaa kusoo beegmaya xilli ay xukuumaddu cafis 45 maalmood ah u fidisay dagaalyahanka Islaamiga ah ee Al-shabaab, iyada oo fursad u aragta nuglaashaha ururka iyo hubaal la’aanta la xariirta aayaha Abuu Zubeyr.

Al-shabaab weli si cad ugama hadlin hadduu hoggaamiyahoodu ka samatabbaxay weerarkaasi.