Soomaaliya oo dalbanaysa in la qaado xayiraadda hubka

161

XaamudWasiirka difaaca dawladda Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa shaaca ka qaaday in golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay ay markale u gudbiyeen in laga qaado guud ahaan xayiraadda dhinaca hubka.

“Dhismaha ciidan awood leh oo ay yeelato Soomaaliya markasta waxaa hortaagan cunaqabataynta hubka.” Ayuu yiri Xaamud oo la hadlayay warbaahinta. 

Maxamed Xasan Xaamud wuxuu kaloo sheegay in iminka ay baahi weyn u qabbaan tayeynta iyo qalabeynta ciidamadda qaranka ee dagaalka kula jira xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Xaamud wuxuu soo hadal qaaday qorshe lagu mideynayo ciidamadda si loo helo ciidan isku dhafan oo ka socda dhamaan gobolladda kuwaasoo hanta xasilinta waddanka iyo sugidda ammaanka xuduuddaha.

Hadalka wasiirka ayaa soo baxaya xilli dhawaan ay lasoo kulmeen saraakiisha waaxda difaaca Mareykanka iyagoo ka wada hadlay sidii taageerro buuxda loogu fidin lahaa ciidanka Soomaaliya.