Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Carwo Buugaag oo Lagu Qabtay Masar

464

QAAHIRA: Waxaa ka furmay waddanka Masar, caasimaddiisa Qaahira, maalintii Arbacadii la soo dhaafay, Bandhiggii Buugaagta Qaahira ee Caalalimga ah, wareegiisii 46-aad, oo ay ka soo qeyb galeen 650 Madbacadood iyo 26 Dal oo Carab iyo Ajnabi isugu jira, waxuuna socon doonaa illaa 12-ka bisha soo socota.

Waa markii ugu horreeysay ee ay bandhiggaan ka soo qeyb-galaan waddamo badan oo ay kamid yahiin Hindiya, Itoobiya iyo Koofurta Suudaan. Waxaase indhaha si gaar ah u soo jiitay ka qeyb-galka Soomaaliya, oo uu horkacayey Madaxa Ururka Daabacayaasha Soomaaliya, mudane Maxamed Axmed (Shiil), oo runtii suura-galiyey, in boos gaarka laga siiyo bandhigga Soomaaliya, halkaa oo lagu soo bandhigay buugaagta Soomaalida ay qortay ama laga qoray Soomaaliya.

Madaxa Ururka Daabacayaasha Soomaaliyeed, ayaa ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay inay Soomaaliya dib uga muuqato maxaafisha caalamka ee lagu haayo aqoonta, cilmiga, maskax-maalka iyo wanaagga, kadib muddo badan oo magaca Soomaaliya ku lamaannaa dhib, burbur, gaajo iyo dowlad la’aan.

“Aad baan ugu faraxsanahay in 25 sano kadib aan kasoo dhex muuqano madal Carab iyo Cajam isugu timid. Waa tallaabo hormar ah oo aan u qaadnay dhanka horumarka iyo sare u qaadidda maqaamka Soomaaliya ay kaga jirtay dalalka Carabta, Afrika iyo Aduunkaba.” Sidaa waxaa yiri Maxamed Shiil oo ah Gudoomiyaha Ururka Madbacadleyda Soomaaliyeed oo carwadan ka qaybgalaya.

Raysul-wasaaraha waddanka Masar ayaa si gooni ah u soo booqday qeybta ay Soomaaliya ku laheyd bandhigga, isaga aad u boorriyay ka qeyb-galkooda isla markaana ka codsaday Madaxa Ururka Daabacayaasha Soomaaliyeed, mudane Shiil inuu laba jibbaaro dadaalka uu ugu jiro ku soo dabbaaliadda Soomaaliya maxaafisha akhriska iyo aqoonta.

Bandhiggaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Soomaali buugaag ay qortay lagu bandhigayo goobo caalami ah, taa oo faa’idooyin door ah u leh, qorayaasha iyo umadda Soomaaliyeedba, sababtoo ah, dunida waxey fursad u helaysaa inay aqriso sida Soomaalidu wax u arkaan, dhanka kalena, waxey qorayaasha Soomaaliyeed u baxayaan suuqyada dunida ee baahida weyn u qabta buugaagta Soomaalida.

Waxaa sidoo kale, soo booqday bandhigga madax Soomaaliyeed, oo uu hogaaminayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Soomaaliya iyo Waddanka Masar, mudane Cabdullaahi Xasan, qusulka safaaradda iyo hogaamiyaashii Jaaliyadda Soomaalida ee Masar.

 

 

 

7a68f454281edc20f5df15838d3c26d50be890beab9a77e2b1636fc7ea341f66

144c98beb8ab9e97bbf9b8604dfbcb9017265fbd34d2dc4cf7578a85f0dab38f

cd315eeffab2ce413566543faf60f467b310653ea957386f59dce0fce71df935

8803afc16458fc48ee54daa487abaa29489ccd03c9bc360932279804fccfa6f5