Soomaaliya oo ka qayb gashay shir Caalami ah oo ka dhacay Riyadh (Sawiro)

174

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga  kula kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Moxammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa sidoo kale magaalada Riyad uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada.

Waxana kulankani ka qeybgalayay in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.

Mahdi Maxamed Guuleed ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey shirka  ayaa ka warbixiyay xaaladda la dagaalanka dhaqdhaqaaqa  Alshabaab isagoo sidoo Kale ka hadlay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.