Soomaaliya oo laga saaciddayo tayeynta booliska

193

005War qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska afhayeenka wakiilka gaarka ah ee Mareykanka ugu qaybsan arrimaha Soomaaliya, James McAnulty, ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha debadda Todd Robinson iyo saraakiil ka tirsan laanta la dagaallanka muqaadaraadka iyo dhaqan gelinta shuruucda caalamiga ah, ayaa lagu sheegay in dawladdaha Mareykanka iyo Soomaaliya ay heshiis wada gaareen ka dib xaflad ka dhacday waaxda arrimaha debadda ee wadankaasi.

Heshiiska oo labo geesood ahaa waxaa qalinka ku duugay danjire James McAnulty iyo wasiirka maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, waxaana dawladda loogu yaboohay qiyaastii hal milyan sagaal boqol oo kun oo doollar ($1,900,000) si ay wax uga qabato hawlaha guud, gaar ahaana isbadel dhinaca ammaanka ah iyo horumarinta waxqabadka booliska Soomaaliya.

Dhaqaalahaasi lacageed waxaa bixinaysa laanta la dagaallanka muqaadaraadka iyo dhaqan gelinta shuruucda caalamiga ah ee marka magaceedda lasoo gaabiyo loo yaqaano (INL). Dhanka kale Mareykanka iyo dawladda federaalka Soomaaliya ayaa iska kaashan doona hirgelinta mashaariicda qorsheysan ee kor loogu qaadayo awoodda saraakiisha booliska si ay uga hortagaan denbiyadda.

Kani waa heshiiskii labaad oo INL la gasho dawladda Soomaaliya, balse barnaamijyaddaasi ayaa gundhig u noqon doona hirgelinta shuruuc la raaco, una addeegaya shacabka iyo tixgelinta xuquuqda aadanaha.

Ujeeddada ugu weyn ee heshiiskaani cusub ayaa ah in lagu saaciddo waaxda denbi baarka (CID) ee ciidamadda booliska Soomaaliya, si ay u helaan awood farsameed oo ay ku dabagallaan denbiyadda waa weyn, si sax ahna u soo diyaariyaan dacwadaha la fulinayo iyo hanaan hawleed ay iskula socdaan xubnaha heerka dhexe iyo kuwa sare ee CID-du si ay u xaqiijiyaan hawlaha horyaala.