Caalamka oo ciidamo u dhisaya Soomaaliya

186

SNARa’iisulwasaaraha dawladda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada London uga qeybgalaya shir weyne looga hadlayo soo celinta amniga iyo xasilloonida dalka.

Ka hor inta uusan u ambabixin shirkaasi mar uu kula hadlayay warfidiyeenka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Cabdiweli wuxuu guul ku tilmaamay casuumadda loo fidiyay xukuumaddiisa iyo qorsheyaasha lagu wejihayo markii ugu horreysay dib u dhis heer sare ah oo loo helo ciidamadda Soomaaliya.

Socdaalkaasi waxaa raa’iisulwasaaraha ku wehliya masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka difaaca Soomaaliya, Maxamed Xasan Xaamud iyo saraakiil ka tirsan talisyada kala duwan ee ciidamadda.

Shirkaasi ay martiggelinayso Britain waxaa sidoo kale ka qeybgalaya madax ka socota caalamka, iyada oo dhinaca kalena lagu wado in dawladdu ay codsato qaadista xayiraadda hubka ee saaran waddanka Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa imminka dhinaca tayeynta ciidamadda si rasmi ah uga taakuleeya Mareykanka, Midowga Yurub iyo dalalka Khaliijka qaarkood.