Soomaaliya oo Turkiga ugu hambalyaysay dabaal degga Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga

283

Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga uga hambalyeysay 94 sano guuradii kasoo wareegatay maalintii xuriyadda dalkaasi, taasi oo haatan loo dabaal degayo.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Turkiga ee u dabaal-dagaya 94 sano guurada maalinta xuriyadda Jamhuuriyadda Turkiga.

“Dowladda Turkiga waa Saaxib Qaali ah oo Taageera Soomaaliya taasi oo aan hiigsanayno xoojinta xiriirka dhinaca walba leh oo labada dhinacba faa’iido u ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee loogu hambalyaynayay dowladda Turkiga.

“Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay walaalahood Turkiga u rajaynayaan guul iyo Barwaaqo” ayaa sidoo Kale lagu yiri qoraalka wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.