Soomaaliya oo xiraysa Saafaradii ay ku lahayd Yemen

289

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa amar ku bixisay in la xiro Safaaradda Soomaliya ee dalka Yemen kadib markii ay sheegtay in ay gacanta ku hayaan goobta ay ku taala Safaaradda  kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalkaas.

Cismaan Axmed Maxamed Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee dalka Yemen ahna sii hayaha xilka Safiirka Soomaliya ee dalkaas oo waraysi siiyay Idacad Maxali ah oo la yirahdo Mustaqbal ayaa  sheegay in amar kasoo baxay Wasaaraadda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaliya  lagu xirayo Safaaradii Soomaliya ee dalkaas.

Safaaradda Sanca ee dalka Yemen mudooyinkii dambe waxa ay haysay shaqooyin badan oo shacabka ay u haysay, waxaana u badnaa shaqooyinka Taakuleynta dad dhibaataysan ee dalkaan ku nool.

Sidoo kale Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee dalka Yemen ahna sii haya xilka Safiirka Soomaliya ee dalkaas ayaa meesha ka saaray wararka la xiriiro in go’aankan ay soo saartay Booqrtooyada Sucuudiga loona soo diray Dowladda Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso waraysiga Qunsulka