Soomaaliya oo markale yeelanaysa adeeg boosto

165

Maxamed-Aadam-Ibraahiim2Wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta dawladda dhexe, Maxamed Aadam Ibraahiim ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah shaaca uga qaaday in dib loo soo celiyay markale adeega guud ee boostada, iyada oo dhammaan waraaqaha laga soo diro debadda ay imminka si toos ah u soo gaadhayaan gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo gobollada kale ee waddanka guud ahaan.

Maxamed Aadam Ibraahiim ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan la hirgelin doono qeybo kaloo adeegyo boosto ah oo ay ka mid yihiin in dadweynuhu waraaqo debadda u dirsadaan si ay ugu sahlanaato wada xiriirka shacabka ay colaaduhu kala ragaadiyeen in ka badan 20 sanno.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa soo bandhiggay ciwaanada ay yeelanayaan gobollada Soomaaliya si buu yiri adeegaasi loo gaadhsiiyo gobol ilaa degmo.Gobollada Soomaaliya