Soomalida Maraykanka oo qabtay xaflad lagu taageerayo madaxwayne Farmaajo

406

1-13

Jaaliyadda Soomaaliyeed  ee ku nool magaalada Louisville gobolka Kentucky  ee Dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay Taageerada ay u hayaan  dowlada Soomaaliyeed iyo madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Maxamed Cabdillahi “Farmaajo”.

Boqolaal dhalinyaro u badan ayaa ka soo qeybgalay xafladan, waxayna ku marti galiyeen Maamulka gobolkooda iyada oo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Louisville ay soo camreen goobta xaflada.

Muddadii ay socotay xafladda waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay dhamaan martidii ka hadashay iyada oo diirradda la saarayay ahmiyadda Dowladnimada iyo Ammaanka u leeyihiin Bulsho walba oo dunidan ku nool.

Madaxweyne Farmaajo ayay ugu baaqeen in uu diirradda saaro arrimaha Amniga iyo ciidamada si loo helo ciidan qaran oo hanan kara Amniga iyo xasiloonida.

 

 

123456