Soomalida Maraykanka oo walac cusub lasoo dersay iyo Australia oo ka hadashay dil uu gaystay askari Soomali ah

330

Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges iyo Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska ayaa shir jaraaid kuwada qabtey magaalada Minneapolis, waxaana ay ku shaaciyeen in labada sarkaal ee Mohamed Nuur iyo Methew Harati lagu eedeeyey falka dilka haweenayda u dhalatey Australia.

Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa walaac xoogan ka muujiyey falka dilka ah ee lagu eedeeyey Maxamed Nur inuu u geystay Justine Damond oo 41 jir ahayd.

Qaar ka mid ah hogaamiyaasha bulshada Soomaalida gobolka ayaa sheegay in ay heleen hanjabaadyo loo soo diray oo iyaga ka dhan ah

Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha degaanka Mareykanka ayaa sheegtay in ay si weyn uga naxday tilaabadda uu qaaday sarkaalka Soomaaliga ah.

Waxa ay sheegtay in Soomaalida Minneapolis laga doonaayo in ay muujiyaan taxadar dheer.

Sarkaalkasi ayaa lagu magacaabaa Maxamed Nuur waxaana la sheegay in 2015-tii uu kusoo biiray Ciidamada booliska dalka Mareykanka.

Haweenayda la dilay ayaa lagu magacabaa Justine Damond, waxaana da’deeda lagu sheegay 40 sano jir.

Justine Damond, waxaa ay dhawaan ka timid dalka Australia waxaana ay u dooneyd nin degan Mareykanka.

Dhanka kale

Dowladda Australia ayaa dalka maraykanka ka dalbatay in ay faahfaahin ay ka bixiyaan dil haweeney udhalatay dalkaasi loogu geystay magaaladda Minneapolis dalka Maraykanka

Ra’iisal wasaaraha Australia Malcolm Turnbull oo saakay la hadlaayay warbaahinta ayaa ugu baaqay qunsulka guud ee Australia ee magaaladda Chicago in ay wax ka waydiiyaan Maraykanka dilka haweeney dalkaasi udhalatay oo lagu dilay gurigeeda hortiisa.

Ra’iisal wasaaraha Australia ayaa dilkaa ku tilmaamay mid  toogasho ah isagoona sheegay in ay aad ugu naxeen falkaasi dilka ah.