Soomaaliya oo laga xusayo maalinta calanka

269

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta laga xusayaa sanad guursadii 62aad ee maalintii la unkay calan Soomaaliyeed oo ahayd 12kii Oktoobar 1954tii .

Calanka Soomaaliyeed oo noociisu yahay cirka oo kale oo xiddig cad ay dhexda kaga taallo ayaa  astaan u ah Soomaali weyn oo isticmaarkii 5 qeybood u kala gooyay.

Waxaa curintan calankan iska lahaa, sida ay taariikhyahanno iyo buugaag badanba lagu xusay Mudane Maxamed Cawaale Liibaan.

Calanka Soomaaliyeed ayaa markii la sameynayay ka turjumayay 5ta Soomaaliyeed ee kala ahaa;

  1. Koonfurta Soomaaliya oo loo yaqiinay Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya  xiligaasi gacanta ku haaysay Dawladdii Talyaaniga.
  2. Waqooyi Soomaaliya oo loo yaqiinay Dhulka Somaliland ee Ingiriiska  oo dawaladdii Ingiriiska gacanta ku haysay.
  3. Soomaali Galbeed oo hadda ka tirsan maamulka dawaldda Itoobiya oo dawladdii Ingiriiska gacanta u gelisay Itoobita.
  4. Waqooyi Bari N.F.D oo hadda ka tirsan Kenya, xiligaasi gacanta ay ugu jirtay dawladda Ingiriiska.
  5. Jabuuti oo xiligaasi Maamulisay  dowladdii Faransiiska inkastoo la sheego in afti dadwayne ay uga go’een Soomaliya inteeda kale.