Sooyaalkii Dr. Xuseen Kaddare iyo Doorkiisii Dhaqanka iyo Afka Hooyo

Afku waa astaanta ugu mudan ee ay ummadi kaga duwan tahay ummadaha kale, waxaana af kasta uu loollan iyo hardan xoog leh kaga yimaadaa afafka kale.

Ummaddii aan baraarug laheynina waxaa ku yimaada burbur soo wajaha afkooda, dhaqankooda ama meeshaba ay ka baxaan. Ka sokoow u adeegsiga nolol maalmeedka, waxaa afka lagu keydiyaa, isla markaana lagu ilaaliyaa ama uu ka jawaabaa su’aasha ah kumaa tahay?

“Wixii qoran ayaa quruumo hara, hadal muxuu qiimo leeyahay”, hadal murtiyeedkii Cabdi Sinimo, Alle ha u naxariistee.

Qoraal la’aantii afka Soomaaliga waxaa dadka Soomaaliyeed kaga dhumay wax badan oo taariikh ah, kuwa maanta joogana ay dhaxal u heli lahaayeen in la xusuusto xeerdheerayaal Soomaaliyeed waa tan aan maanta meeshan u joogno’e oo isku dayay in ay dadka Soomaaliyeed helaan af qoran taas oo fududeyn karta helitaanka taariikhdoodii, dhaqankoodii & suugaantoodii.

Haddaba Eebbahey ha u naxariistee waxaa kowdii bisha Febraayo ee sanadkan magaalada Muqdisho ku geeriyooday Dr. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) oo ka mid ahaa xubnihii tirada yaraa ee ka noolaa dadkii Soomaaliyeed ee abaalka gashaday kana qeybgalay halgankii, ummadeed, diimeed & towraddii dhaqameed & suugaameed ee dalka ka billaabatay wixii ka dambeeyay xornimadii.

Shaki kuma jiro in dadka Soomaaliyeed halkaasi ku waayeen geesi mudan in la xusuusto baal dahab ahna ka galay taariikhda socotada.

Dr. Xuseen Sh. Axmed Hilowle “Kaddare” waxa uu ku dhashay gobolka Shabeellada Dhexe ee dalka Soomaaliya, sanadkii 1934tii, wuxuuna ka soo jeeday qoys lagu ammaano ku dhaqanka diinta Islaamka, wuxuuna yaraantiisii ka billaabay barashada diinta Islaamka deegaankii uu ku dhashay.

Alle ha u naxariistee Dr. Xuseen Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu magaalada Muqdisho soo galay isagoo jira 9 sano, wuxuuna ku biiray xer ka mid aheyd xertii ka jirtay magaalada, wuxuuna intaas kaddib waxbarasho ka billaabay dugsigii Macallin Jaamac oo berigaas la oran jiray Seraale ama waxbarashada dadka waaweyn, waxaana berrigaas dugsigaas la oran jiray Cerdinale Masaya markii uu dhammeystayna waxbarashadii Dugsiyadii Hoose & Dhexe, walow berigaas uusan jirin Dugsi Sare, dugsigaas oo bareyaal ay ka ahaayeen ajaanib xilligaas ay aqoontoodu aad u sarreysay.

Dr. Kaddare wuxuu madax ka noqday ururkii la oran jiray Combogna Artistiche Centrale, wuxuuna ahaa nin sameeya ruwaayadaha. Ruwaayadihii uu sameeyay kuwii ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa ruwaayaddii la oran jiray “Nimaan joogin ma jiro”, halkaas oo uu sheegay in uu ka soo raacay magaca Kaddare oo uu ku jilayay ruwaayaddaas.

Eebbahey ha u naxariisto Dr. Xuseen Kaddare laashiin, gabyaa, nin guurooba, geeraara, shirba, mar uu la hadlayay warbaahintana sheegay in isticmaalka ereyga laashin uu yahay mu’allifka ama curiyaha suugaanta Soomaalida dadka Soomaaliyeedna uu ka maqan yahay afka Soomaaliga.

Kaddare taariikhdiisa qoraal & akhris midna laguma soo koobi karo, wuxuuna ahaa barnaamij soo saare, qoraa taariikhda, dhaqanka & suugaanta Soomaalida & cilmi-baare kaftan & xikmad badan hadalkana aan ku degdegin.

Dr. Kaddare wuxuu ka mid ahaa shakhsiyaadkii tirada yaraa ee isku dayay in ay dadka Soomaaliyeed helaan af qoran, kaas oo ka gudbiyay dadka Soomaaliyeed mugdigii ay ku jireen, suurtagaliyayna helista afkeenna maanta qoran.

Dr. Xuseen Sheekh Axmed wuxuu sanadkii 1952dii soo saaray far Soomaali qoran oo uu isagu sameeyay fartaas oo loo yaqaanno ‘Kaddariya’, waana intii aan la qorin kan hadda la isticmaalo ee laatiinka ah. Maamulkii KMG ahaa ee jiray sanadkii 1958-kii wuxuu magacaabay guddi ay ka mid ahaayeen dadka aan ka xusuusto Muuse Galaal & Dr. Xuseen Sheekh Axmed “Kaddare”, waxayna guddigaas shuruudo u sameeyeen qoraalka far-Soomaaliga, waxaana la soo bandhigay ilaa 4 far, waxayna waqtigaas ama berigaas go’aan ku gaareen qaadashada labo far oo kala ahaa tan Laatiinka ee uu qoray Kaddare ee loo yaqaanay ‘Kaddariyah’, waxaana magaalada Muqdisho ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeedo qaadashada farta Laatiinka, iyadoo dadkii bannaanbaxayay ay lahaayeen Laatiin laa Diin.

Sanadkii 1964tii oo uu dalka Soomaaliya Raysul Wasaare ka ahaa Alle ha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen waxaa la magacaabay guddi ka kooban 9 xubin oo uu ku jiray Alle ha u naxarsiitee Dr. Xuseen Kaddare, waxayna dowladdaas dalka ku casuuntay wefdi ka yimid ururka UNESCO oo fadhigooda ahaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska, guddigaas oo ka koobnaa 3 xubnood, wuxuu soo saaray warbixin ay kula talinayaan xukuumaddii berigaas jirtay oo aheyd haddii la qaadan waayo Laatiinka in la qaato Fartii uu qoray Alle ha u naxariistee Dr. Kaddare, warbixintaasina lagu gubay sababteeduna ay lahaayeen dadkii laga reebay warbixinta ama laga tagay fartooda.

Dr. Xuseen intii uusan jaamacadda gelin wuxuu shaqo ka billaabay Radio Muqdisho, sanadkii 1961-kii wuxuuna ahaa Narrator ama barnaamij xiriiriye, isagoo wararka ka soo tebin jiray goobaha lagu qabto kulamada & ciyaaraha noocyadooda kala duwan, wuxuuna ahaa barnaamij soo saarihii ugu horreeyay ee barnaamijkii ka bixi jiray idaacadda Radio Muqdisho ee Hiddaha & Dhaqanka.

W/Q: Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan)