Sooyalkii Dr. Xuseen Sh. Axmed (Kadare) iyo Dadaalkiisii Afka Soomaaliga

440

Qaybtii 2aad

Dr. Xuseen Sh. Axmed “Kaddare”  wuxuu madax u noqday fannaaniin badan oo Soomaali ah, sida; Daleys, Guduudo Carwo, Laangarre, Cali Jareere & fannaaniin kale oo badan, sanadkii 1966-kii Alle ha u naxariistee Dr. Kaddare wuxuu madax u noqday ururkii ugu horreeyay ee dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku midoobaan, waxaana ururkaas ku midoobay in ka badan 11 urur dhallinyaro.

Sanadkii 1969-kii wuxuu isaga tagay ama ka ruqseystay shaqadii idaacadda Radio Muqdisho si uu uga qeybgalo doorashooyinkii ka dhacay dalka sanadkaas, doorashooyinkii dhacay kaddibna wuxuu dib ugu soo laabtay idaacadda Radio Muqdisho, wuxuuna soo saari jiray barnaamij ku saabsan dhaqanka oo idaacadda ka bixi jiray toddobaadkiiba mar.

Markii ay dhalatay dowladdii Kacaanka 21-kii Octoobar, sanadkii 1969-kii, ballan-qaadkana ay ku bixisay qoraalka farta Soomaaliga waxay u yeertay guddiyadii asalka u ahaa isku dayadii la sameeyay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen;-

 

  1.  Xaaji Muuse Galaal
  2.  Prof. Ibraahim Xaashi
  3.  Shire Jaamac
  4.  Yaasiin Cusmaan Yuusuf Keenadiid iyo
  5.  Dr. Xuseen Sh. Axmed “Kaddare”

 

Shantaas xubin ninba galab ayuu u yeeray Golihii Sare ee Kacaanka, haddaba galabtii loo yeeray Alle ha u naxariistee Dr. Xuseen Sh. Axmed “Kaddare” oo ka hadlayay ayaa yiri, “waxaan guriga ku soo noqday iyadoo uu baabuur Otto otto ah taagan yahay, waxaana i gashay galabta waa lagu soo jiriyay oo waa lagu xeri rabaa.

Markii uu arkay ninkii wadaha ka ahaa gaarigaas, wuxuu u sheegay in uusan baabuurka aheyn kii dadka lagu xeri jiray, laakiin ay u yeerayaan Xubnaha Golihii Sare ee Kacaanka, isaguna uu uga horreeyay Xaaji Muuse Galaal, markii uu u tagayna 25-kii Golahaas ay ku yiraahdeen, waxaan dooneynaa in aan qorno farta Soomaaliga, sidaasi darteed adigu maxay tahay taladaadu?

Dr. Xuseen Sh. Axmed “Kaddare” oo ka hadlayay taladii uu u jeediyay xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka ayaa yiri: Waxaan ku talinayaa qaadashada farta Laatiinka maadaama ay dowladdeenu curdan tahay, dhaqaalaheennuna uu tabar yar yahay. Laakiin haddii la qaadan waayo taasi badalkeeda la qaato fartiisa maadaama ay buuxisay shuruudihii laga doonayay.

Dhinaca kale, Alle ha u naxariistee Dr. Kaddare wuxuu sheegay in aysan suurtagal noqoteen qoraalka Far Soomaaliga haddii aysan ahaan laheyn Xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen niman ikhtiyaar leh, oo ay ka go’an tahay in la helo far qoran oo lagu diiwaangeliyo keydka taariikhda, suugaanta & dhaqanka ee dadka Soomaaliyeed.

Kaddib markii lagu qoray Far Soomaaliga waxay dowladdii Kacaanka magacowday guddi ka kooban 19 xubin oo isugu jira aqoonyahanno, waxay billaabeen diyaarinta buugaagtii ay wax ka baran lahaayeen ardayda Soomaaliyeed ee berigaas dhigan jirtay dugsiyadii hoose & dhexe ee Soomaaliya, waxayna muddo gaaban qoreen buugaag dhowr ah, guushaas la gaaray kaddib Xubnihii Golihii sare ee Kacaanka waxay abuureen ama ay dhiseen Akadeemiyadii Cilmiga & Suugaanta Soomaalida, waxaana madax looga dhigay Alle ha u naxariistee Dr. Xuseen Sh. Axmed “Kaddare”, waxaana 21-kii bishii October, sanadkii 1972-kii loo aqoonsaday markii la qoray far Soomaaliga, iyadoo 21-kii bishii Janaayo, sanadkii 1973dii laga hirgeliyay adeegsiga & qoraalka xafiisyada maamulka dowladda.

Dr. Xuseen Sh. Axmed oo ahaa khabiir wax badan laga weydiin jiray far qoraalka afka Soomaaliga ayaa intii uu noolaa ii sheegay in ereyada laba laabma  ee ku jira afka Soomaaliga ay yihiin 7 erey ama xuruuf, laakiin wixii intaas dheer la weydiinayo ninka keenay ama ay jeebkiisa yihiin.

Sidoo kale wuxuu ii sheegay ereyo afka Soomaaliga ku jira oo isku dhigmo, laakiin kala dhihid ama dhahaal ah, sida ‘cad’ oo ah caddaanka & ‘cad’ oo ah cadka hilibka, ‘duul’ oo loo isticmaalo dad – ‘Duul’ oo loo isticmaalo duullaanka.

Dagaalkii dhexmaray dowladdii Kacaanka aheyd & shacbigana ay halkaas ku istaagtay cilmi-baaristii & daraasaddii lagu sameynayay af Soomaaliga, dowladda Soomaaliyeed ee hadda jirtana uu gurmad & hiillo uga baahan yahay afka Soomaaliga.

Alle ha u naxariistee Dr. Xuseen Kaddare wuxuu ka mid ahaa raggii ka qeybgalay suugaantii loo yaqaanay ‘Deelleyda’ wuxuuna ku lahaa labo tix, waxaana tixdaas ka mid ahaa;-

In Hadraawi door yahay

Gaarriye da’nool yahay

Yamyam daadka webi yahay

Idaajaana ka daran yahay

Aniguna raggaa daran kan ugu daran ka daranahay,

Nabadi door tahay.

Haddaba markii ay cirka isku shareertay suugaantii deelleyda waxaa abwaanadii ka qeybgalay oo ay tiradoodu gaareysay 64 xubin looga yeeray Golihii Murtida & Madaddaallada, waxaana galabtaas u yeeray ciidamadii nabad-sugidda & wasiirkii warfaafinta Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Aadan Sheekh, wuxuuna Alle ha u naxariistee Dr. Kaddare galabtaas codsaday tixdii 2-aad ee uu tiriyo laguna soo gabagabeynayay suugaantii deelleyda, waxaana ka mid ahaa;-

Qabiilnimo yaa doonayoo raba;

Yaa Qareenka daafaca uga deeqay wada;

Duf & baalal kuma yara mana duusho goronyadu;

Waagii habar dugaag & haaddu dagaaleen

Oo labada daafood ciidamada la soo wada dumay

Iyadaa la wada dilay, oo duulba duul yiri idinkey dirkiin tahay;

Dabbaalnimo daawo ma leh.

Dr. Xuseen Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu burburkii dowladdii dhexe madax ka ahaa shirkad wax dhoofisa waxna ka soo dejisa oo la oran jiran Kaddare & Sons, markii la riday dowladdii jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya sanadkii 1991-kii wuxuu noqday wasiirkii warfaafinta & hanuuninta dadweynaha ee dowladdii KMG aheyd ee mudane Cali Mahdi Maxamed.

Alle ha u naxariistee Dr. Xuseen Sh. Axmed intii uusan geeriyoon wuxuu ka qeybgalay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu heshiisiinayay walaalaha colloobay ee Soomaaliya, shirarkaas oo lagu kala qabtay gudaha & dibedda Soomaaliya, laguna soo unkay dowladnimada maanta la heysto ee Soomaaliya.

Intii uusan geeriyoon Alle ha u naxariistee Dr. Kaddare oo caan ku ahaa suugaanta Soomaalida wuxuu tiriyay shirib uu ku lahaa;-

  1.  Toddobo aan isku tuhmay aan tolka wax uga taabahaa, yacni xagga da’da
  2.  10kii 70aad inta tirshaan ku tiirshay meel;
  3.  Toddobo aan ka tuurayna inta aan la i  tuhmin weyga taas
  4.  Haddaan timiha taabtana wixii tafnaan jiraa tabaa
  5.  Haddaan tillaabta tuurana, inta is tafaan dhulka is tubaa;
  6.  Teydaana ila toosanoo, 10 jir aan isu tirshaa
  7.  Meel ay tacsi facey taal, markaan arkaan is tuhmaa
  8.  Tii Alle haddii ay timaad, leylama tashee, waa tarxiil.

Abwaan Max’ed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, oo ka hadlaayay abwaannimada Dr. Xuseen Sh. Axmed Hilowle “Kaddare” wuxuu ku gabyay oo yiri;- Halka deyr waqtigu dhigo, dib baa looga sheekeyn, Kaddaraa u magac-bixin.

W/Q: Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan)