Sooyalkii Dr. Xuseen Sh. Axmed (Kadare) iyo Dadaalkiisii Afka Soomaaliga

1639

 

Xildhibaan

 

 

 

 

 

 

 

W/Q: Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan)

xildhiban@hotmail.com

xildhiban@xildhibanpublications.com

Afku waa astaanta ugu mudan ee ay ummadi kaga duwan tahay ummadaha kale, waxaana af kasta uu loolan iyo hardan xoog leh kaga yimaadaa afafka kale.

Ummaddii aan baraarug laheynina waxaa ku yimaada burbur soo wajaha afkooda, dhaqankooda ama meeshaba ay ka baxaan. Ka sokoow u adeegsiga nolol maalmeedka, waxaa afka lagu keydiyaa isla markaana lagu ilaaliyaa ama uu ka jawaabaa su’aasha ah kumaa tahay?

“Wixii qoran ayaa quruumo hara, hadal muxuu qiimo leeyahay”, hadal murtiyeedkii Cabdi Sinimo, Allaha u naxariistee.

Qoraal la’aantii afka Soomaaliga waxaa dadka Soomaaliyeed kaga dhumay wax badan oo taariikh ah,  kuwa maanta joogana ay dhaxal u heli lahaayeen in la xusuusto xeerdheerayaal Soomaaliyeed waa tan aan maanta meeshan u joogno’e oo isku dayay in dadka Soomaaliyeed  helaan af qoran taas oo fududeyn karta helitaanka taariikhdoodii, dhaqankoodii & suugaantoodii.

Haddaba eebahay ha u naxariistee waxaa 1dii bisha Febraayo ee sanadkan magaalada Muqdisho ku geeriyooday  Dr. Xussein Sheikh Axmed Kaddare oo ka mid ahaa xubnihii tirada yaraa ee ka noolaa dadkii Soomaaliyeed ee abaalka gashaday kana qeybgalay halgankii, ummadeed, diimeed & towraddii dhaqameed & suugaameed ee dalka ka bilaabatay wixii ka dambeeyay xornimadii.

Shaki kuma jiro in dadka Soomaaliyeed halkaasi ku waayeen Geesi mudan in la xusuusto baal dahab ahna ka galay taariikhda socotada.

Dr. Xussein Sh. Axmed Hilowle “Kaddare” waxa uu ku dhashay gobolka Shabeellada Dhexe ee dalka Soomaaliya, sanadkii 1934tii, wuxuuna ka soo jeeday qoys lagu ammaanto ku dhaqanka diinta Islaamka, wuxuuna yaraantiisii ka bilaabay barashada diinta Islaamka deegaankii uu ku dhashay.

Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu magaalada Muqdisho soo galay isagoo jira 9 sano wuxuuna ku biiray xer ka mid aheyd xertii ka jirtay magaalada wuxuuna intaas ka dib waxbarasho ka bilaabay dugsigii Macallin Jaamac oo berrigaas la oran jiray Seraale ama waxbarashada dadka waa weyn, waxaana berrigaas dugsigaas la oran jiray Cerdinale Masaya markii uu dhammeystayna waxbarashadii Dugsiyigii Hoose & Dhexe, wallow berrigaas uusan jirin Dugsi Sare, dugsigaas oo bareyaal ay ka ahaayeen ajaanib xilligaas ay aqoontoodu aad u sarreysay.

Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu madax k noqday ururkii la oran jiray Combogna Artistiche Centrale, wuxuuna ahaa nin sameeya ruwaayadaha. Ruwaayadihii uu sameeyay kuwii ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa ruwaayaddii la oran jiray “Nimaan joogin ma jiro”, halkaas oo uu sheegay in uu ka soo raacay magaca KADDARE oo uu ku jilayay ruwaayaddaas.

Eebahey ha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”, laashiin, gabyaa, nin guurooba, geeraara, shirba, mar uu la hadlayay saxaafaddana sheegay in isticmaalka ereyga Laashin uu yahay mu’allifka ama curiyaha suugaanta Soomaalida dadka Soomaaliyeedna uu ka maqan yahay afka Soomaaliga.

Kaddare taariikhdiisa qoraal & akhris midna lagu soo koobi karo, wuxuuna ahaa barnaamij soo saare, Qoraa taariikhda, dhaqanka & suugaanta Soomaalida & Cilmi Baare kaftan & xigmad badan hadalkana aan ku degdegin.

Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii tirada yaraa ee isku dayay in dadka Soomaaliyeed helaan af qoran kaas oo ka gudbiyay dadka Soomaaliyeed mugdigii ay ku jireen, suurtagaliyayna helitaanka afkeena maanta qoran.

Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu sanadkii 1952dii soo saaray far Soomaali qoran oo uu isagu sameeyay fartaas oo loo yaqaano Kaddariya, waxaana intii aan la qorin kan hadda la isticmaalo ee laatiinka ah. Maamulkii KMG ahaa ee ka jiray sanadkii 1958dii la magacaabay guddi ay ka mid ahaayeen dadka aan xusuusto Muusse Galaal & Dr. Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”, waxayna guddigaas shuruudo u sameeyeen qoraalka farta Soomaaliga waxaana la soo bandhigay ilaa 4 farood, waxayna waqtigaas ama berrigaas go’aan ku gaareen qaadashada labo farood oo kala ahaa tan Laatiinka ee uu qoray Kaddare ee loo yaqaanay Kaddariyah, waxaana magaalada Muqdisho ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeedo qaadashada farta Laatiinka iyadoo dadkii bannaanbaxayay ay lahaayeen Laatiin laa Diin.

Sanadkii 1964tii markii uu dalka Soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xussein waxaa la magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo uu ku jiray allaha u naxarsiitee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” waxayna dowladdaas dalka ku casuuntay wefdi ka yimid ururka UNESCO oo fadhigooda ahaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska, guddigaas oo ka koobnaa 3 xubnood soo saareen warbixin ay kula talinayaan xukuumaddii berigaas jirtay oo aheyd haddii la qaadan waayo Laatiinka in la qaato Fartii uu qoray Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”, warbixintaasina lagu gubay sababteeduna ay lahaayeen dadkii laga reebay warbixinta ama laga tagay fartooda.

Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” intii uusan jaamacadda gelin wuxuu shaqo ka bilaabay Radio Muqdisho, sanadkii 1961dii wuxuuna ahaa Narrator ama barnaamij xiriiriye isagoona wararka ka soo tebin jiray goobaha lagu qabto kulamada & ciyaaraha noocyadooda kala duwan, wuxuuna barnaamij soo saarihii ugu horreeyay ee barnaamijkii ka bixi jiray idaacadda Radio Muqdisho ee Hiddaha & Dhaqanka.

Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”  wuxuu madax u noqday fanaan badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Daleys, Guduudo Carwo, Laangarre, Cali Jareere & fannaaniin kale oo fara badan, sanadkii 1966dii Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu madax u noqday ururkii ugu horreeyay ee dhallinyaro Soomaaliyeed ku midoobaan, waxaana ururkaas dhallinyaro ku midoobay in ka badan 11 urur dhallinyaro.

Sanadkii 1969kii wuxuu isaga tagay ama ka ruqseystay shaqadii idaacadda Radio Muqdisho si uu uga qeybgalo doorashooyinkii ka dhacay dalka sanadkaas, doorashooyinkii dhacay ka dibna wuxuu dib ugu soo laabtay idaacadda Radio Muqdisho wuxuuna soo saari jiray barnaamij ku saabsan dhaqanka oo idaacadda ka bixi jiray toddobaadkiiba mar.

Markii ay dhalatay xukuumaddii Kacaanka 21kii October, sanadkii 1969kii, ballanqaadkana ku bixisay qoraalka farta Soomaaliga waxay u yeertay guddiyadii asalka u ahaa isku dayadii la sameeyay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen;-

  1. Xaaji Muusse Galaal;
  2. Prof. Ibraahim Xaashi;
  3. Shire Jaamac
  4. Yaasiin Cusmaan Yuusuf Kenadiid
  5. Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”

Shantaas xubnood ninba galab ayuu u yeeray Golihii Sare ee Kacaanka, haddaba galabtii loo yeeray Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” oo ka hadlayay ayaa yiri, waxaan guriga ku soo noqday iyadoo baabuur Otto otto taagan yahay, waxaana i gashay galabta waa lagu soo jiriyay oo waa lagu xeri rabaa.

Markii uu i arkay ninkii wadaha ka ahaa gaarigaas, wuxuu u sheegay in uu baabuurka uusan aheyn kii dadka lagu xeri jiray, laakiin ay u yeerayaan Xubnaha Golihii Sare ee Kacaanka, isaguna uu uga horreeyay Xaaji Muusse Galaal, markii uu u tagayna 25kii Golahaas ay ku yiraahdeen, waxaan dooneynaa in aan qorno farta Soomaaliga, sidaasi darteed adigu maxay tahay taladaadu?.

Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” oo ka hadlayay taladii uu u jeediyay xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka ayaa yiri;- Waxaan ku talinayaa qaadashada farta Laatiinka maadaama ay dowladdeenu curdan tahay, dhaqaalaheenuna tabar yar yahay, laakiin haddii la qaadan waayo taasi badalkeeda la qaato fartiisa maadaama ay buuxisay shuruudihii laga doonayay.

Dhinaca kale Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu sheegay in aysan suurtagal noqoteen qoraalka Far Soomaaliga haddii aysan ahaan laheyn Xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen niman IKHTIYAAR leh, lana heleen FARTA qoran ee maanta laguna diiwaangeliyo keydka taariikheed, Suugaaneed & Dhaqan ee dadka Soomaaliyeed.

Ka dib markii lagu qoray Far Soomaaliga waxay dowladdii Kacaanka waxay magacowday guddi ka kooban 19 xubnood oo isugu jira Aqoonyahanno waxay bilaabeen diyaarinta buugaagtii ay wax ka baran lahaayeen ardayda Soomaaliyeed ee berrigaas dhigan jirtay dugsiyadii hoose & dhexe ee Soomaaliya, waxaana muddo gaaban ay qoreen buugaag dhowr ah, guushaas la gaaray ka dib Xubnihii Golihii sare ee Kacaanka waxay abuureen ama ay dhiseen Akadeemidayadii Cilmiga & Suugaanta Soomalida, waxaana madax looga dhigay Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”, waxaana 21kii bishii October, sanadkii 1972dii loo aqoonsaday markii la qoray FAR Soomaaliga, iyadoo 21kii bishii January, sanadkii 1973dii laga hirgeliyay adeegsiga & qoraalka xafiisyada maamul ee dowliga ahaa.

Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”  oo ahaa qabiir wax badan laga weydiin jiray far qoraalka afka Soomaaliga ayaa intii uu noolaa ii sheegay in ereyada laba laabma  ee ku jira afka Soomaaliga ay yihiin 7 erey ama xuruuf, laakiin wixii intaas dheer la weydiinayo ninka keenay ama ay jeebkiisa yihiin.

Sidoo kale wuxuu ii sheegay Allaha u naxariistee, Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”  ereyo afka Soomaaliga ku jira oo isku dhigmo ah laakiin kala dhihid ama dhahaal ah, sida Cad oo ah caddaanka & Cad oo ah Cadka Hilibka, Duul oo loo isticmaalo Dad – Duul oo loo isticmaalo Duullaanka.

Dagaalkii dhexmaray dowladdii Kacaanka aheyd & shacbigana ay halkaas ku istaagtay cilmi baaristii & daraasaddii lagu sameynayay afka Soomaaliga, dowladda Soomaaliyeed ee hadda jirtana uu gurmad & hiillo uga baahan yahay afka Soomaaliga.

Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”  wuxuu ka mid ahaa raggii ka qeybgalay suugaantii loo yaqaanay Deelleyda wuxuuna ku lahaa labo tixood waxaana tixdaas ka mid ahaa;-

In Hadraawi door yahay

Gaariye da’nool yahay

Yamyam daadka webi yahay

Idaajaana ka daran yahay

Aniguna raggaa daran kan ugu daran ka daranahay,

Nabadi door tahay.

Haddaba markii ay cirka isku shareertay suugaantii deelleyda waxaa abwaanadii ka qeybgalay oo ay tiradoodu gaareysay 64 xubnood looga yeeray Golihii Murtida & Madadaalada waxaana galabtaas u yeeray ciidamadii nabadsugidda & wasiirkii warfaafinta Allaha u naxariistee Dr. Max’ed Aaden Sheikh wuxuuna Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” galabtaas codsaday tixdii 2aad ee uu tiriyo laguna soo gabagabeynayay suugaantii deelleyda waxaana ka mid ahaa;-

Qabiilnimo yaa doonayoo raba;

Yaa Qareenka daafaca uga deeqay wada;

Duf & Baalal kuma yara mana duusho Goronyadu;

Waagii habar dugaag & haaddu dagaaleen

Oo labada daafood ciidamada la soo wada dumay

Iyadaa la wada dilay, oo duulba duul yiri idinkey dirkiin tahay;

Dabaalnimo daawo ma leh.

Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu burburkii dowladdii dhexe madax ka ahaa shirkad waxna dhoofisa waxna ka soo dejisa oo la oran jiran Kaddare & Sons, markii la riday dowladdii jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya sanadkii 1991dii wuxuu noqday wasiirkii warfaafinta & hanuuninta dadweynaha ee dowladdii KMG aheyd ee mudane Cali Mahdi Max’ed.

Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” intii uusan geeriyoon ka hor wuxuu ka qeybgalay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu heshiisiinayay wallaalaha colloobay ee Soomaaliya, shirarkaas oo lagu kala qabtay gudaha & dibedda Soomaaliya, laguna soo unkay dowladnimada maanta la heysto ee Soomaaliya.

Intii uusan geeriyoon ka hor Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”  oo caan ku ahaa suugaanta Soomaalida wuxuu tiriyay Shirib uu ku lahaa;-

  1. Toddobo aan isku tuhmay aan tolka wax uga taabahaa, yacni xagga da’da
  2. 10kii 70aad inta tirshaan ku tiirshay meel;
  3. Toddobo aan ka tuurayna inta aan la i  tuhmin weyga taas
  4. Haddaan timiha taabtana wixii tafnaan jiraa tabaa
  5. Haddaan tillaabta tuurana, inta is tafaan dhulka is tuba;
  6. Teydaana ila toosanoo, 10 jir aan isu tirshaa
  7. Meel ay Tacsi facey taal, markaan arkaan is tuhmaa
  8. Tii Alle haddii ay timaad, leylama tashee, waa tarxiil.

Abwaan Max’ed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, oo ka hadlaayay abwaannimada Dr. Xussein Sh. Axmed Hilowle “Kaddare” waxaa uu ku gabyay oo yiri;- Halka deyr waqtigu dhigo, dib baa looga sheekeyn, Kaddaraa u magic bixin.