Stambuul oo uu ka furmayo wada hadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland

Wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Stambul ee Dalka Turkiga,halkaasi oo ay hadda kusuganyihiin wafuudda labada dhinac ay ka qaybgalaysa shirka wadahadalka labada dhinac.
‘Dhanka Dowladda Soomalaiya waxaa wafdiga hugaaminayo wasiirka arimaha gudhaa iyo federaalka Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa halka Soomaalilamd uu hugaaminayo wasiirka arimaha dibadda Cabdulaahi Biixi Yoonis.

Shirka ay fududayntiisa leedahay Dowladda Turkiga ayaa waxaa looga ahdli doonaa sii ambaqaadka qodobadii horay looga wadahadlay iyo xoojinta iyo dheerigelinta labada dhinac wada sahqayntooda joogtada ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aankeeda siyaasadeed ee wadahadalka waxaa saldhig u ah ilaalinta midnimada Soomaaliya in aytahay mid aan lagawada xaajoonayn balse wixii kale oo ay tabanayaan Soomaaliland ay diyaar u yihiin,Halka Soomaaliland ay iyana qabto mid kaa ka duwan oo sheegaya helidda madaxbanaan Soomaaliweyn ay kaga go’ayso taasi oo ah meelaha inta abdan aan laga samayn horumarka

Sanadkii hore ayaa madaxweyne Xasan Sh Maxamuud iyo Mudane Axmed Maxmaed Maxmauud Siilaanyo isla garteen sii socodka shirarka laba dhinac kulan ka dhacay Jabuuti oo uu goobjoog ka ahaa Madaxwene Geelle.