SU’AALO KOOBAN..& JAWAABOHOOD oo Diini ah…

1584

mohamed

**Asc wr wb bacda salaan shiikhoow dhib ayaa I haysta ee ilaahay dartiis iigu caawi talo iyo tusaale dhibkaas waa Salaad la Aan markasta inan tukado wan jeclahay oo Haday labo salaadood tukado anigoo dhan waxaa mooda inan madoobaanayo oo Aan isnacayo Salaad markan tukadana mid kale kuma Dari Karo ma aqaano. Sabab ta hadaan dhihi lahaa dhalin yaro aya saaxiib la ahayna ma jirto CID Aan saaxiib nahay Marka shiikhaygiiyoow sideen ilahay u rali galin Kara salaaday Dana si fiican u gudan Karaa jasakalahu khayr
======
Wcs Adeer wax walba waa niyadda iyo iraadada aad gaarto sheydaanku waswaasin keliya ayuu awoodaa laakiin qoorta intuu kaa qabto meeshuu rabo kugu tuuro ma awoodo..Niyadaada xooji, go’aan iyo iraado yeelo dhab ah, sida aad jeceshahay u istaag inaad hirgeliso..
Masjidka u dhaqaaq, oo salaadda banaanka haku tukan si aan sheydaan kuu caajis gelin, sharcigu sidaas ayuu noogu amray inaan masjidka ku tukanno waayos alaadii ayaa noo hagaageysa.. Masjidka laasim oo ku carar wax walba wey kuu hagaagayaan inshallaah..ilaahay tawfiiqda haku waafajiyo..
______________________

**sheikh waxaad iga jaahil bixisaa haduu ruux danbi galo oo uu toobad keeno , oo uu hadana kulaabto ,oo toobad keeno oo uu hadana kulaabto waa sidee , toobada ma halmarbaaa mise … aad ayaad umahadsantahay sheikh.
==========
Wcs Adeer Ilaahay Macaasida hakaa dhawro, Tawbadana had iyo goor haku waafajiyo, waa ilaahay mahadiis inuu taawbada ku waafajiyo, Tawbadu ma dhamaato, mar walba waa inuu qofku tawbad keeno, haduu dembi ku dhacana mar walba tawbada aanu ka daalin, xitaa haduu dembiga ku noqdo, Ilaahay wuxuu jecelyahay kuwa Tawbada mar walba ku noq noqda, sheydaanku yuu kugu waswaasin tawbada iska dhaaf mar walba dembi ayaad ku jertaaye, taasi waa sheydaanka waswaaskiisa, Tawbada laasim marwalba, kuna dadaal meesha aad macsida ku gashay inaad ka fogaato, asxaabta kugu ridey inaad ka dheeraato, masjidka iyo salaadda laasimto si ay kaaga reebto salaaddu, wabillaahi tawfiiq..
________________________

**asalaamu calaykom sheikh
salaam ka dib waxaan ku waydiinayay suaal
waxaan ahay wiil dhalin yaro ah qurbahana ku nool
waxaan isku arkay in dhawayd baqdin badan iyo inaan naftayda ka dareemo baqdin aan moodaayo inaan dhimaanaayo..wax xanuuna ima hayaan…. runtiii markii hore maan tukan jirin laakin waxaan aha qof aad dadku e jecel yahiin oo aan hadal xun iyo xumaan midna ku dhox jirin…waxaan ahaa qof aad u Dagan..laakin sheikh in dhawayd waxaan dareemay baqdintaas aan ka baqanaayo inaan dhimanaayo hada wanan tukataa hada,,,,,,markaa sheikh maxaay naftu dareemaysaa?

Tan Kale Xaaskayga ayaan isku dhacnay habeen dhoweyd, waan xanaaqey, iyana wey xanaaqsanayd, waxaan ku iri anoo xanaaqsan Waan Ku Furay..Marka dalqadaas miyey dheceysaa? Haddana waxaan rabaa wixii ii bannaan inaan sameeyo?
==============
Wcs, Adeer Naftu wexey ku degtaa oo keliya Xuska Ilaahay, aayada Qur’aanka ayaa macneheedu yahay (War Hooyaay Dikriga Ilaahay ayaa Qalbigu Ku degaa) Adigu sida muuqata waxa naftaadu la welwelsantahay waa dikriga la’aantiisa, waayo bani aadamka wuxuu ka abuuranyahay Dhoobo…iyo…Ruuxda… Dhoobadu wexey ku noolaataa Cunto iyo Cabitaan iyo Hawo…Ruuxduna wexey ku noolaataa Rabbigii kugu afuufay iney ku xirnaato oo barato oo xusto… quudkeedu nafta waa dikriga ilaahay, hadii jirka la quudiyo oo aan ruuxda la quudin wey ingegeysaa, maalinta jamaacadu kaa tagto, ama aadan Qur’aan akhrin naftu wey harraadeysaa..Marka Allaha ku barakeeyo, Salaadda Masjidka jamaca ku tuko, Qur’aanka maalin walba hal safxana ha noqoto wax ka akhriso, wax sadaqayso hal shilin ha noqdo, Qur’aanka iyo wacdiga dhegeyso, laba bil ka dib aan is warsanno adoo inshallaah farxad dareemaya, naftaaduna furantahay…

Gabadha Hadaad tiri Waan ku furay, oo hadal cad ah, wey furmeysaa, carada aad sheegtayna waa mid caadiya oo laysku furo, illeen iyadoo la faraxsanyahay laysma fureen, Hadey Dalqadii 1aad ama 2aad tahay waad soo ceshan kartaa xaaska adoo oranaya: Xaaskaygii waan soo ceshadey, ama Rajactuki, intey 3 dhiig ama bilood ku jirto, Hadey saddex bil dhaafto waxaa loo baahanayaa nikaax cusub iyo doonid cusub iyo ogolaansho cusub.. Hadey dalqadii 3aad tahay oo horay labo kaaga dhacday, wey kuu dhamaatay, kumana noqon kartid ilaa ay nin kale guursato oo iskood u kala tagaan, wabillaahi tawfiiq..
____________________

____________________

**Asc sheikh khayr Alle ha ku siiyo waana daada iyo wacayi galinta shiikh su aal ayaan qabaa baaraka Allahu ilaahay cimrigaaga ha dheereyo hana nop badiyo kuwa adigoo kale ah sheikh kalimada la dhahaayo (xabiib) maka mid tahay sifaadkii Allah sheik iga jaahil bixi?
===========
Wcs Walaal Xabiib Sifooyinka Ilaahay ka mid maaha wallaahu aclam
____________________

** Asc sheikh waxaan cunaa cunto aanan aqoon wax gawracay lkn aan uga shakiyey in aan diinta alle lagu gowracin maxa xal ah ma cunise karaa camp baan ku jiraa?
============
Wcs Walaal qofku waa inuu taxadar u qaato waxa calooshiisa gelaya, hilibka haduusan ahayn mid ay gawraceen Muslim ama Ahlu Kitaab, lama cuni karo, Haddaad marka uga shakisantahay waana sidey u badantahay inaan Muslim iyo Ahlu kitaab gawricin ha cunin, waxaan filayaa in kaamkaaga yahay Germany, Muslimiin badan oo Turki u badan ayaa deggan hadey kuu dhawyihiin wixii hiliba iyaga ka doono, wabillaahi tawfiiq.