Suuqa hubka ee magaalada Muqdisho.

423

hjgf  Ammaanka magaalada Muqdisho oo xiliyadan danbe aad usoo xumaanayay ayaa dadka intooda badan waxay is weydiinayan waxyaabaha kadanbeeyo ama sababaha keenay ammaan darada taa oo si weyn uga qeyb qaadanayo sii xumaanshaha amniga magaalada Muqdisho.

sikastaba ha ahaatee, dadka ku xeel dheer arimaha amaanka magaalada Muqdisho ayaa waxay ku tilmaamayaan sababaha ugu weyn ee amman xumada magaalada Muqdisho in ay tahay hubka faraha badan oo daadsan gudaha magaalada iyo waliba iyada ka ganacsiga sida weyn looga ganacsado hubka nuucyadiisa kala duwan , taa oo lagu gado laguna kala kireesto suuqa hubka ee kuyaalo KM-5 inta u dhaxeyso Hotel Amiira iyo Hotel Shaamo dhinaca midig ee wadada marka laga yimaado hotel Saxafi.
Hubka ayaa waxuu aad u soo farabatay kadib markii Qaramadda midoobay ay cunaqabateynti hubka Soomaaliya kaqaaday, iyada oo xustay in Soomaaliya ay yeelatay Dowladd Fedaraal ah taa oo aayaha Dalka masuul kanoqon karto, balsa hubkii Dalka soo galay kadib marki xayiraada hubka laqaaday ayaa waxaa magaalda Muqdisho lagu arkay hub nuucyo kala duwan ah oo lagu gado laguna kala kireesto .
taas oo ay isugu jiraa dhammaan nuucyada hubka sida Ak47 Shilkaha iyo sidoo kale Hoobiyaha loo yaqaano 60 kaas oo aad loogu iibiyo suuqa hubka ee magaalada Muqdisho isla mar ahaantaana aad dareemeyso sida balaaran ay u gataan Dad aan Dowladda aheen oo u isticmaalo arima gaar ah,
sidoo kale waxaa lagu kireeyaa Hoobiyaha nuuca loo yaqaano 120 oo marka lagaa kireynayo maalmo ama hamiin, iyada oo loo yaqaano nuucaan la kireesto magaca “soo rido soona celi,” isla mar ahaantaas waxaa lagu kireeya lacag aad u fara badan.
Sikastaba ha ahaate, dadka kudhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay xal u arkaan in Dowladda Soomaaliya ay xirto dhammaan suuqyada hubka sharci darada ah lagu gado laguna kireeyo si Dawladdu gacanta ugu dhigto ammaanka magaaalada Muqdisho iyo guud ahaan Dalka.
Kala soco maqaalo iyo warar aad u xiiso badan.
www. xaqiiqa.com

hub hhh gdd hjgf