
Dowlada Sweden ayaa ka dhoofinaysa dalkeeda haweeney 106 sano jir ah oo u dhalatay wadanka Afganistan kadib markii ay dowladaas u diiday inay siiso magangalyo.
Haweeneydan 106 jirka ah ayaa la sheegay inay curyaan ah ayadoo wali xitaa hadalka uu dhibayo.
Haweenaydan 17 ka mid ah qoyskeeda ayaa ka mid ahaa kumanaan muhaajiriin ah oo Yurub Qarqiyay sanadkii 2015 kii, kuwaasi oo badankood kasoo jeeday dalalka Suuriya Ciraaq iyo Afghanistan.
Waxaa haweenaydaan iyo qoyskeeda ayaa ka soo gudbay wadamo badan soona dhex maray buuro iyo dhul saxaro ah.
Nin ay dhashay haweenaydan oo 67 sano jir ah iyo wiil kale oo ay ayeeyo u tahay oo 19 jir ah ayaa dhabarkooda ku keenay bartamaha Yurub.
Imaanshaha haweeneydan ee dalka Sweden sanadkii 2015 ayaa qabsadey warbaahinta waxaana loo arkay xaalad bini’daanimo in ay u baahan tahay.
Hay’adda socdaalka ee dalka Sweden ayaa sheegtey in dacwada haweeneydan aysan ahayn mid ay ku heli karto magangelyo maadaama gobolka ay ka soo jeeda uu yahay gobol nabad ah.
Qoyska haweeneydan ayaa ka qariyay inay ogaato in loo diiday inay sii joogaan dalka Sweden hase yeeshee markii ay ugu dambeyntii ay ogaatay ayaa xanuun ku soo booday iyadoo haatan ay la jiifto xanuunkaas.
Bibihal Uzbeki, ayaa muddo ku nooleyd dalka Iran ka hor inta aysan soo gelin safarka dheer sanadki 2015m waxaana ay hadda sugeysaa in dib loogu celiyo Afqanistan iyada oo 106 sano jir ah.