Taageerada Millateri ee Masar u fidisay Soomaaliya waa baal cusub oo u furmay xiriirka labada dal

366
Masare
Janaraal Diini oo ka guddoomaya agab milatari Safiir Waliid./SONNA

Dawladda Masar ayaa markii ugu horreysey shaaca ka qaadday in ay ciidamo kumaandoos ah oo laboqol kor u dhaafaya ay siisay qalab ciidan oo dhameys tiran. Safiirka Masar ee Soomaaliya Waliid Ismaaciil ayaa qalabkaasi guddoonsiiyay Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya Janaraal Cabdulqaadir Sh Cali Diini.

Hadal safiirku munaasabaddaasi ka jeediyey ayuu ku sheegay waligeed Masar ay la lahayd xiriir milateri oo gaara tan iyo markii Soomaaliya xornimada qaaddatay, isagoo intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan kaalinta masar ay kaga qeyb qaadaneyso dib u dhiska soomaaliya, si gaar ahna ay diiradda u saari doonaan in la helo ciidan Soomaali oo ammaanka dalka sugi marka Amisom ay ka baxdo Soomaaliya 2018.

Agabka milatari ayaa isugu jirey gaadiid ciidan oo badan iyo nuucyada kala duwan ee hubka. labada dhinacba wey ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixixiyaan hubka. Hase yeeshee  safiirka Masar waxaa uu xusay in hub kalena ay siin doonaan ciidanka Soomaaliya isla markaasna ay saraakiil ciidan Masar u tababari doonto Soomaaliya.

Siismada hubkaan ayaa timid iyada oo Soomaaliya ay weli saarantahay cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey, balse safiirku wuxuu sheegay in ay fasax uga soo qaateen Golaha Ammaanka in hubkaan ay ugu deeqaan millateriga Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran.

Wargeyska Xaqiiqa Times, waxaa uu xog ku helay in ay jiraan dowlado ka shaqeeya in Soomaaliya ay saarnaato cunaqabateynta hubka si ay danahooda uga fushadaan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dowlado waaweyn oo ka shaqeynaya sidii Soomaaliya ay u yeelan lahayd ciidan ku filan sugidda ammaankeeda.