Taliska ciidamada Boliiska, Maleteriga iyo Nabad sugidda oo amaro soo saaray

272

taliyeyaasha-amniga

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Nabadsugida, Milateriga iyo Wasiirka Amniga ayaa caawa soo saaray awaamiir culus oo ku aadan xasilinta Ammaanka Muqdisho, iyagoo u digay cid alla cidii ka hor-timaada in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Shir jaraa’id oo ay  si wadajir ah ugu qabteen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Moqdisho ayaa waxaa ay kaga hadleen awaamiirtan cusub oo ay soo saareen.

Amaradan ayaa dhammaan ka hadlaya howlgalka xasalinta Caasimadda.

Taliyaha Nabad sugidda Cabdullahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa waxaa uu sheegay in iska hor imaad maanta ka dhacay degmada Kaaraan aanu aheyn mid u dhaxeeya ciidamo, balse uu ahaa iska hor imaad dhex maray Ciidamada Xasilinta iyo Kooxo Burcad ah oo rabay inay raashin dhacaan, kuwaasoo uu xusay in gacanta lagu haayo.

Taliyaasha Hay’adaha Amniga ayaa soo saaray ilaa iyo 6 qodob oo amaro ah.

Hoos ka akhriso warka ay soo saareen

1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa tallaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xiraya.

2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.

3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.

4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.

5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 July ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeynaya.