Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika oo Soo gaaray Muqdisho lana kulmay M.Farmaajo (Sawiro)

345

Taliyaha ugu sareeya taliska ciidamada dowladda Maraykanka ee Africom  ‎General Thomas D. Waldhauser iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Mr. ‎ Waldhauser, ayaa aqalka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kula kulmay madaxwaynaha Jamhuuriyadda federal ka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.

Kulanka dhexmaray madaxwayne Farmaajo iyo taliyaha Africom Waldhauser ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka guud ee dalka Soomaaliya, taagerada uu Maraykanka siiyo dowladda dhexe ee dalka iyo arrimo kale.

Kulanka ayaa yimid ayadoo maanta magaalada Muqdisho uu ka dhacay qaraxii ugu xooganaa ee muddooyinka ka dhaca Soomaaliya.

Booliiska ayaa ilaa iyo hadda ku waramay dhimashada 20 qof, ayadoo warbaahinta maxalliga ahna ay ku waramayso in dhimashada ay halkaasi ka badan tahay.