Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida Ee Masar Oo IsCasilay

313

Taliyihii Ciidamada Masar ahna Wasiirkii Difaaca Jen. C/fataax Al-sisi ayaa ku dhawaaqay inuuis casilay, si uu u noqdo musharaxa madaxweynaha dalkaa Masar.

Al-Sisi oo kulan la qaatay Golaha sare ee Ciidamada Milateriga dalka Masar ayaa u cadeeyay inuu yahay musharax u taagan doorashada madaxtinimada ee dhowaan dhaceyso.

Khudbad uu ka jeediyay Telefishinka qaranka ayaa waxaa uu ku sheegay inuu iska casilay xilka sare ee Milateriga, si uu ugu tartamo xilka Madaxweynenimada.

Waxaa uu sheegay in 45 sano oo uu ka tirsanaa taliska milateriga uu howl adag u qabtay dalka, isagoo xusay inuu diyaar u yahay inuu noqdo madaxweynaha dalkaas, si uu uga difaaco qatarta argagixiso sida uu yiri

Al-sisi ayaa ka cabsi qabin inuu ku guuleysan waayo doorashada bisha soo socota dhici doonta, waxaana uu heystaa taageero ballaaran, mana jirto cid xafiiltan adag kula jirta.

Jen. C/fataax Al-sisi ayaa ahaa ninkii xukunka ka tuuray Madaxweynihii hore Maxamed Mursi, isagoo loo arka hogaamiye awood milateri ku leh dalkaas.