Taliyaha NISA oo u digay mas’uulin uu sheegay inay ku hadlaan hadalo kicin ah

265

Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiinta ku hadla  hadalada uu sheegay inay yihiin kuwo kicin dadwayne ah.

Sanbaloolshe ayaa sheegay inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo aan horumarada iyo wanaaga la sameeya ka hadlin, balse marka ay wax dhacaan buun buuniya, isla markaana siyaabo kala duwan u fasira.

“Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo qaarkood dowladda ku jira oo dhararsanahay in magaaladan dhib ka dhaco, oo wal wal iyo deg deg u qaba in magaalada dhibaato,  shil iyo gumaad ka dhaco, waxaa rabaa inaan xusuusiyo dadkaas, hadii aan kheyr ku hadleyn iska aamusa”ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe

Taliye Sanbaloolshe ayaa sheegay in erayo kicin ah iyo kuwo wax u dhimaho danaha qaranka iyo nabadgelyada ay ka soo yeeraan, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in dad mas’uuliyiin ah ay ka soo yeeraan hadalo si xun wax u fasiraya.

“Dad Mas’uuliyiin ah waxaa jira oo xasaanad ku gambada, oo u heysta in xasaanada wax kasta ka dabooleyso, waxaa jira xoriyatul qowlka waxyaabo lagu ogoleyn oo ay ka mid tahay kicinta dadweynaha, qof mas’uul ayaa tahay maalin kasta boqol shey oo wanaag ayaa ka dhacaya dalka oo aadan ka hadleyn, wax yar oo hal maalin dhacana waa buun buuninayaan, ayadoo u muuqato inay ku ahdlayaan afka Cadawga, xasaanadu micnaheeda ma ahan in xornimo taam lagu siinayo, sida adigaba aan u suurta gal u aheyn in aan lagugu xadgudbin ayaa laga rabaa in aad si mas’uuliyad ku jirto aadan dadka ugu xadgubin.

Taliyaha Hay’adda NISA ayaa u muuqday mid ka jawaabayay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Mahad Maxamed Salaad oo bartiisa Facebook-ga Ku weeray siyaasadda dowladda ee Ku aadan xasalinta iyo amniga dalka.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu barta uu ku leeyahay Facebook-ga Ku Yuri ” isku dhaca dhexmaray ciidamada dowladda oo askar ay Ku dhimatay Waxaa DALIIL CAD U YAHAY qorshe xumada dowladda ee Ku aadan xasalinta”