Tartan Isboorti oo Lagu Soo Gabagabeeyay dalka Sweden

979

Tartan ciyaarta kubadda cagta ah oo loogu talagalay Isdhaxgalka Jaaliyadaha daggan Degmada Vastra Hisingen Ee Wadanka Sweden ayaa 10kii bishan Luulyo lagu soo gabagabeeyay magaaladaasi iyada oo ay ka qeyb qaateen 14 kooxood oo laba heer ah. Heerka koowaad waxaa ku tartamay 8 kooxood oo dhallinyara ah halka 6 koox oo carruur da’ yar ah si gooni ah loo tartansiiyay kuwaasoo ay da’doodu ku dhaxayso 12 ilaa 15 sano.

Kooxaha tartamay ayaa ka socday jaaliyadaha kasoo jeedaa dalalka Soomaaliya, Gini, Sweden, Eriteriya, Itoobiya iyo Albaaniya, waxaana jaaliyadda Soomaaliyeed matalayay kooxaha  SYL, Gotherberg Stars iyo Guun Stars.

“Ururka Geesguud Ungdomsforening waxuu u mahad celinayaa dhammaan inta kala qayb qaadatay tartankaan bilowga ahaa waana markii ugu horeyse tartan lagu qabto Degmada Vastra hisingen gaar ahaan xaafada Biskopgarden.“  sidaa waxaa Xaqiiqa Times u sheegay Maxamed Shukri  Sh Cali oo ah guddoomiyaha ururukan soo qabanqaabiyay tartanka isdhexgalka Jaaliyadaha ee degmada Vastra Hisingen

Ciyaarihii kama dambeysta ahaa waxaa isugu soo haray dhanka dhallinyarada SYL iyo Gotherberg Stars oo labaduba ka socday jaaliyadda Soomaalida. Ciyaarta oo aad u xiiso badnayd ayaa waxaa koobka hantiyay kooxda Gothernberg Stars oo laba gool iyo waxba kaga adkaatay kooxdii magaca SYL ku ciyaaraysay.

Gool dhalinta tartanka waxaa ku guuleystay Jamaal oo 7 gool dhaliyay intii tartanka socday halka Xuseen Qodxaaleey uu noqday ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka. Qodxaaleey ayaa sidoo kale ah ciyaarayahan Mondal oo ka ciyaarta heerka Saddexaad ee horyaalka Sweden.

Marti sharaftii kasoo qeybgashay tartankan waxaa kamid ahaa ciyaartooy caan ka ah dalka Soomaaliya oo haatan deggan qurbaha sida kabtankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Elman FC Cabdulqaadir  Cumar Ibraahim (Guduudoow), Siid Cali Cumar (Siidii Gaab), Maxamed Cabdulqaadir Mayoow (Dacayeey), Xuseen Axmed Macallin (Gureey), Injineer Goobe Yaanyo iyo marti fara badan oo aad looga yaqaanno dalka Sweden.

Tartankan oo saddex maalmood socday ayaa waxaa kasoo qeyb galay dad lagu qiyaasay 2 kun oo daawadayaal ah iyada oo si wacan loogu bogaadiyay ururka Geesguud kaalinta uu ka geystay isu keenista iyo isdhexgalka jaaliyadaha ku nool degmadan. “Tartamada noocan ah waan joogteyn doonaa haddii Eebe idmo maadaama isboortigu yahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee dadka kala duwan ku midoobi karaan.” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Maxamed Shukri.

 

13692760_1469603999731664_5001142891997388939_o 13701233_1469604283064969_8218514051176637220_o 13717255_1469603993064998_6375527316871521817_o 13717467_1469604703064927_1962462908832359764_o 13719482_1469603829731681_752711754026458497_o 13719715_1469603953065002_7589001487644404049_o 13730987_1469604589731605_1800554612329005622_o 13737456_1469604386398292_3363968430404044397_o