Tirada dadka ku dhintay dab ka kacay California oo korortay

107

Qasaaraha Dhimasho ee ka dhashay dabkii ugu qasaaraha badnaa taariikhda gobalka California ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa inay korortay oo ay gaartay 31 ruux.

Dabka ayaa burburiyay dhulwayn ayadoo guriyo badana ay gubteen sida ay ku waramayso warbaahinta dalka Maraykanka.

Madaxa booliiska kowntiga Butte  Sheriff Kory Honea, ayaa warbaahinta u sheegay in booliisku ay heleen 5 qof oo Mayd ah kuwaasi oo gurigooda ku gubtay.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in 7 qof oo mayd ah laga helay gawaari dabka ku gubtay.

Waxaa jira in wali aan la tirin dad tiradoodu ay ka badan tahay 200 oo qof kuwaasi oo la sheegay in la la’yahay.