Tirada guud ee wax ku noqday qarixii Zoobe oo lasoo bandhigay

163

Guddiga gurmadka Qaran ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay magacawnaayeen, iyagoo soo bandhigay baaxadda qasaaraha ka dhashay qaraxii Zoobe.

Shir Jaraa’iid oo guddigaasi maanta ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayey ugu horreyn ku soo bandhigeen tirakoobka qasaarihii ka dhashay qaraxii Soobbe ee 14-ki Oktober, iyagoo tilmaamay in 10890 qofood ay ku waxyeelloobeen masiibadaasi.

Guddoomiyaha guddigaasi C/llaahi Maxamed Shirwac oo hadlay ayaa soo hadalqaaday caqabadihii ay lu kulmeen muddadii ay hayeen howsha gurmadka isagoo u mahadceliyay dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo cidkastoo gacan ka geeysatay taageeradda dadka ku tabaaloobay masiibadii isgoyska Zoobe ka dhacday.

Sheekh Nuur Buuruud Gurxad oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa, sida ay u soo garab istaageen dadka dhibaatadu ka soo gaartay qaraxaasi, isagoo tilmaamay in jaaliyaddu muujisay damiir wanaagsan oo ku dhisan waddaniyad iyo isjaceyl,  taasoo uu xusay iney dhabbaha u xaareyso midnimo isku duubni Soomaaliyeed, iyo in si isku mid ah looga soo horjeesto cadowga.

?
?