Tiro-koob Qiyaas ah oo Soomaaliya Laga Sameeyay Sanad Kahor Ayaa Maanta La Faafiyay

Muqdisho (XT):  Warbixin aan rasmi ahayn oo ay si wadajir ah u sameeysay Hay’adda UNFPA, Xukuumadda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ayaa waxaa lagu sheegay in tirada dadka soomaaliya ay haatan kor u dhaaftay 12 milyan iyo sadex boqol oo kun . Tira koobkan oo loo adeegsaday Tiknoolajiyad casri ah sida qalabka satarlaytka iyo habab kale oo lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay warbixintu soomaalida u kala qaybisay Reer Magaal, Reer Miyi, Beeraley iyo Barakacayaal.

Wargeyska Xaqiiqa Times ayaa cadadkiisii 19aad ee soo baxay 22kii May ku sheegay in sababaha loo faafin la’yahay ay kamid yihiin gobollada qaarkood oo diidan tirada deegaannadoodalagu sheegay iyada oo laga cabsi qabo in ay saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale uu ku yeesho tirakoobkan. Waxaa kale oo warar xog ogaal ah ay sheegayaan in ay abuuranto xasarad siyaasadeed oo cusub maadaama hannaanka awood qeybsiga ee haatan shaqeeya uusan tirakoob iyo gobol midna ku saleysnayn taasoo dad badan ay rumeysanyihiin in ay tahay arrin cadaaladda ka fog, suuragalna aysan ahayn in sidaa lagu gaaro doorasho xor ah oo tirakoob ku saleysan.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Feceraalka Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cali Caynte ayaa boggiisa Facebook ku yiri “Maanta waxaan si rasmi ah u faafinnay natiijada sahanka qiyaasta shacabka Soomaaliyeed oo ku saleysan xog uruurin ay wadajir u sameeyeen Wasaaradaha qorsheynta federaalka iyo kuwa maamullada jira iyo heyadda UNFPA.”

Dadka reer magaalka ah ayaa la sheegay inay tiradooda gaarayso 5, 216, 392 taas oo ah 42%. Reer Guuraaga  ayaa wrabixintu sheegaysaa in ay tiradoodu gaarayso 3, 186, 965 taas oo ka dhigan in ay wadarta guud ka yihiin 26%, halka ay warbixintu sheegtay in Beeralayda Soomaaliya ay tiradooda gaarayso 2, 805, 787 qofood oo ka dhigan 23%. Barakacayaasha ayaa warbixintu xustay in ay 1, 100, 000 kor u dhaafayaan taas oo ah 9%. Waxyaabaha la yaabka leh ayaa waxaa kamid ah in Banaadir kadib uu gobolka ay barakacayaashu ugu badanyihiin uu yahay gobolka Galguduud oo ay ku xigaan Shabeelaha Hoose, Gedo iyo Mudug.

Tira koobkan ayaa sidoo kale muujinaya inta dhedig ah iyo inta labka ah. Tusaale ahaan waxay warbixintu tiri reer magaalka  in ay isla egyihiin raga iyo dumarka halka beeralayda 49% ay dumar yihiin halka 51% ay rag yihiin. Reer Guuraaga waxaa ay ka ag dhawyihiin Beeralayda oo wali tirada ragga ayaa ka sarreyso midda dumarka oo ah 52%. Laakiin tira koob kaa ka duwan waa midka laga sameeyay Barakacayaasha oo muujinaya in dumarku ay gaarayaan 51% halka ragguna ka yihiin 49%.

Waxaayabaha kale ee xussida mudan ee tirakoobkan lagu soo bandhigay ee lama filaanka ah ayaa waxa kamid ah sida gobollada u kala dad badanyihiin. Tusaale ahaan Gobolaka Banaadir ayaa tira koobku sheegayaa inay ku noolyihiin 1, 650, 227 taas oo ka dhigaysa in 13.4% ay ka yihiin tirada guud ee Soomaaliya. Gobolka Waqooyi Galbeed ayaa ku xiga oo ay ku noolyihiin 1,242, 003 taas oo ka dhigan 10.1%. Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku xiga oo ay warbixintu sheegtay inay ku noolyihiin 1, 202,219 taas oo ah 9.8%. Gobolka Bay ayaa isagana lagu sheegay in dadka ku nool tira ahaan gaarayaan 792, 182 taas oo ah 6.45% wadarta guud. Gobolka Togdheer ayaa isagana dadkiisu gaarayaan 721,363. Sidoo kale Gobolka Bari oo ah kan ugu baaxadda wayn gobollada dalka dhul ahaan ayaa tirada dadka ku nool lagu sheegay 719, 512 taas oo ka ah wadarta guud  5.8%. Gobolka Mudug ayaa la sheegay inay ku noolyihiin dad gaaraya 717, 863. Awdal ayaa dadkuusi gaaranayaan 673, 263. Galgaduud ayaa iyana  ah 569, 434 oo  4.65% ka ah wadarta guud. Hiiran ayay warbixintu ku tilmaantay inay tirade gobolkaas  gaarayso 520, 585 oo macnaheedu yahay in 4.2%. Gobolka Gedo  ayaa tira koobka sheegayaa inuu yahay 508,405  oo ah 4.1%. Jubada Dhexe ayaa lagu sheegay 362, 921 oo 2.9% tirade guud.

Shaxda Tirokoobka 18ka Gobol.

Gobolka

Tirada Dadka

 1 Banaadir 1,650,227
 2 Waqooyi Galbeed 1,242,003
 3 Shabeellaha Hoose 1,202, 219
 4 Baay 793,182
 5 Togdheer 721,363
 6 Bari 719,512
 7 Mudug 717,863
 8 Awdal 673,263
 9 Galguduud 569,434
10 Sanaag 544,123
11 Hiiraan 520,685
12 Shabeellaha Dhexe 516,036
13 Gedo 508,405
14 Jubbada Hoose 489,307
15 Nugaal 392,698
16 Bakool 367,226
17 Jubbada Dhexe 362,921
18 Sool 327,428
Tirada Guud 12, 316, 895

Aynte Aynte2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Aynte