Toddobo musharax oo u taagan xilka madaxwaynaha soo war ka soo saaray khilaafka ka taagan Galmudug

362

Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
War Murtiyeed
Janaury 18, 2017
Bismillaah Raxmaani Rahiim
Anagoo ah Musharaxiinta Madaxweynaha ee hoos ku qoran ee kasoo jeeda Maamul
Goboleedka Galmudug, waxaan halkaan kusoo gudbineynaa aragtideena ku aadan
xasilooni darrada iyo qal qalka siyaasadeed ee ka taagan xaruunta ku meel gaarka ee
maamul Goboleedka Galmudug ee Cadaado.
1. Ugu horeyn, waxaan tacsi u direynaa dhamaan eheladii dadkii ku
geeriyoodaa iska hor imaadkii manta ka dhacay Cadaado.

Waxaan
xusuusineyna ciidamada Milaterga, Booliski, iyo Nabadsugidu in ay sugaan
amaanka shacabkaa ku nool gobolka iyo Caasimada gobolka kana
waantoobaan fulinta awaamiirta aan ku salaysaneed shuruucda Wadanka iyo
Gobolka
2. Waxaan taageereynaa mowqifka odayaasha dhaqanka oo ugu baaqay
madaxda Maamul Goboleedka in ay ixtiraamaan dastuurka Galmudug iyo
xasilloonida gobolka.
3. Waxaa waajib ku ah madaxda Gobolku in ay u hogaansamaan Dastuurka
Maamul Goboleedka, iyo danta guud ee muwaadiniinta ku nool Gobolka.
4. Waxaan ugu baaqeynaa Xidibaanada Federaalka ee kasoo jeeda Galmudug in
ay ixtiraamaan ku dhaqan Dastuurka Galmudug una tagnaadaan maslaxada
shacabka ay metelaan iyo danaha Gobolka.
5. Waxaan ka codsaneynaa shacabka Galmudug in ay taageeran ku dhaqan
Dastuurka Maamul Goboledka Galmudug.
6. Waxaan mudaanan leh in la tix geliyo baahida shacabka Galmudug u qabaan
horuumarka iyo nabadgelyada.
7. Waxaa Beesha Caalamka ugu baaqeynaa in ay tixgeliyaan Dastuurka iyo hab
dhaqameedka Galmudug taageeraana go’aamada dastuuriga ah.

Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaarihi hore
Mudane Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed
Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Mudane Dr. Maxamud M. Culusow
Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle
Mudane Cabdullaahi Cali Axmed
Mudne Eng Cabullaahi Cali Xasan