
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii u horreysay qirtay in uu sannadkii 2017 doonayay khaarijinta Madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad, hase ahaate uu ka diiday xoghayihii difaaca Maraykanka ee xilligaa James Mattis.
Trump oo la hadlayay barnaamijka Fox and Friends ee ka baxa telefishinka Fox ayaa sheegay in uu diyaariyay qaabkii Asad lagu dili lahaa laakiin uu ka horyimid General Mattis oo uu Trump ku tilmaamay mid la buunbuuniyay.
Tillaabada uu Trump ka qaadi rabay Al Asad ayaa ka dhalatay duqeyn loo adeegsaday hubka kiimikada ah oo lagu laayay dad rayid ah oo u dhashay dalka Suuriya.
Kashifaadda ayaa waxaa horay buuggiisa ugu sheegay wariyaha rugcaddaaga ah Bob Woodward ee ku caan baxay bannaan keeniddii fadeexaddii Water Gate oo Madaxweyne Nixon ku qasabtay in uu xukunka ka dego.