Trump oo ku dhawaaqi doona dhimista ciidanka Maraykanka ee Ciraaq

45

Madaxweyne Trump ayaa la filayaa in uu ku dhawaaqo dhimis dheeri ah ee ciidanka Maraykanka Ciraaq, sidaas waxaa wariyaasha u sheegay sarkaal sare oo Maraykan ah.

Ku dhawaaqistaan ayaa sida uu sheegay sarkaalka Maraykanka waxaa xigi doona mid kale oo lagu shaacinayo in ciidanka Maraykanka ee Afghanistaan la yareyn doono.

Maraykanka ayaa waxaa Ciraaq ka jooga ciidan gaaraya 5200 oo loo geeyay si ay ula dagaalamaan kooxda Daacish.

Dhankaa iyo Afghanistaanna waxaa ku sugan ciidan Maraykan ah oo gaaraya 8600 oo askari. Madaxweyne Trump ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in uu doonayo in uu ka soo reebo 4000 oo askari.

Trump ayaa si weyn u dhaliilsanaa ciidamada Maraykanka ee bannaanka ugu maqan hawlgalada, waxa uuna ballanqaaday in uu yareeyn doono. Madaxweynaha ayaa hadda ku jira ololaha doorashada uu kula loolamayo Joe Biden oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah.