Turkiga iyo Iiraan oo Xoojinaya Xiriirkooda Ganacsi

Photo/ Islamic Republic News Agency)

 

Photo/ Islamic Republic News Agency)
Photo/ Islamic Republic News Agency)

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa dalkiisa ku qaabilay dhigiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogaan kaddib hadallo kulul oo ay labada dal isku waydaarsadeen warbaahinta. Kulankan ayaa qaboojiyay xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal oo aan isku si u arkin mawqifka laga qaadanayo dagaalka ka socda Yaman.

Labada Madaxweyne ayaa istusiyay muhiimadda ay leedahay in dagaallada ka socda Yaman lagu xalliyo hab siyaasadeed oo laga waan-toobo in xoog iyo rabsho lagu dhameeyo taas oo saameyn amni, dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ku yeelan karta gobolka oo idil.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimaha ka jira dalal Ciraaq, Suuriya iyo Falastiin. Waxaa kale oo aan si qotodheer uga sheekeysannay amuuraha dalka Yaman. Labadeennuba waxaan ka midaysannahay in la joojiyo dhiiga qulqulaya,  waana in laga dhaqangeliyaa Yaman xabad-joojin rasmi ah.” Ayuu Yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan Xasan Ruuxaani.

Rajab Dayib Erdogaan ayaa khudbadiisa aan kusoo hadal qaadin xaaladda Yaman oo markii horeba sabab u ahayd dagaalka diblomaasiyadeed ee labada dal kadib markii uu Iiraan ku eedeeyay in ay dooneyso qabsashada dalalka gobolka sida Lubnaan, Suuriya, Ciraaq iyo Yaman oo shiicada ka wado dagaallo ay kula jiraan kooxo sunna ah. Waxa uu dhamaadkii bishii Maajo ka dalbaday Iiraan in ay dalalkaas kala baxdo ciidamadeeda gacan saarka la leh kooxaha shiicada ah.

Hase ahaatee, Erdogaan ayaa ku dheeraaday xiriirka labada dal iyo sida loo xoojin karo xiriirka dhaqaale ee Turkiya kala dhaxeeya Iiraan kaasoo lagu qiyaaso in sanadkii ay kasoo dhoofsato badeeco qiimaheedu yahay 10 bilyan oo Doollar halka Iiraan ay ka qaadato Turkiya badeecooyin lagu qiyaaso 4 bilyan oo Doollar . “Gaaska aan ka iibsanno Iiraan waa kan ugu qaalisan. Hadii Iiraan ay qiimaha naga yareyso waxa aan ka iibsan karnaa wax badan.” Ayuu yiri Erdogaan.

Turki waxa ay taageero weyn u fidisay xulafada Sucuudiga hogamaanayo ee duqeyaha ka wada Yaman,  halkan dowladda Iiraan lagu eedeeyo in ay taageero dhaqaale iyo mid saanad milatariba ah in ay siiso fallaagada Xuutiyiinta ee doonaya inay talada kala wareegaan Madaxweynaha sharciga ah ee Cabdi Rabbu Mansuur Haadi.

Sideed heshiis oo la xiriira dhinacayada warshadaha, canshuuraha, gaadiidka iyo caafimaadka ayay labada dowladood kala saxiixdeen kaasoo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo xiriirka dhaqaale ee labada dal ka dhaxeeya.