Turkiga oo cambaareeyay qarixii shalay ka dhacay Moqdisho

323

Dowladda Turkiga ayaa si kuluul u cambaaraysay qarixii shalay ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ku naf-waayeen in ka badan 30 qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 50 kale.

War qoraal ah kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay aad uga xun tahay qaraxii shalay ka dhacay Moqdisho.

“Waxaan si kuluul u cambaaraynaynaa falkii argagaxisada ahaa ee ka dhacay Moqdisho, oo lagu soo beegay xili Soomaaliya ay hore u qaaday talaaboyin dhanka hormarka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee dowladda Turkiga ay ka soo saartay weerarkii bambaano ee shalay ka dhacay Magaalada Moqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa sidii hore  waxaa ay u sii wadi doontaa taageerada Soomaaliya iyo sidii xiliyada soo aadan Soomaaliya ay u heli lahayd degaanaan iyo ammaan ayaa sidoo kale lagu sheegay warka Turkiga.

Waxaa ay tacsiyo u dirtay ehelada dadkii ku wax yeeloobay weerarkii shalay, ayadoo dhanka kale dadka dhaawac ah u rajaysay caafimaad deg deg ah.