Turkiga oo Ciidanka Asluubta ugu deeqay Basas aan rasaas karin

65

Dowladda Turkiga ayaa Basas Nooca aan Xabadda  Karin ah ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana kala wareegay deeqdaasi  Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe), oo ay wehliyeen Howlwadeeno Safaaradda ka tirsan.

Basaska oo tiradooda ay tahay Labo ayaa  loogu talo galay in loogu adeego Maxaabiista Xabisyadda dalka ku xiran ,waxaana  Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay soo saartay Markab iyadoo dalka ay soo gaari doonaan Dhawaan.
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe),ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey Taageerada ay siinayaan Ciidamadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac,ayaa sheegay in Basaska aan xabadi Karin ee loogu deeqay ay u qorsheeyeen markii ay si  toos ah Taliska uu ula wareego in lagu qaado Maxaabiista Xiliga la geynayo Maxkamadaha ,waxaana uu Dowladda Turkiga uu uga mahad celiyey Taageerada ay la garab taaganyihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay wadamada sida gaar ah u caawiyo Saamaaliya iyadoo ay xusid Mudantahay in dhawaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyed ay ku wareejiyeen Dhar  iyo Qalabka Ciidanka oo ay ugu talo galeen in Ciidanka lagu Hormariyo.